|
|||||
WAJAALE NEWS
Zambia oo ku Biirtay Dawladaha Caalamka Ee Ogol in Dalalkooda lagu Tago Baasaaboorka Somaliland
February 24, 2016 - Written by Editor:Zambia (Wajaalenews) -Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Zambia, ayaa shaacisay inay aqbashay oo Dalkeeda lagu gali karo Baasaaboorka Somaliland. Laanta Socdaalka ee Jamhuuriyadda Zambia, ayaa barta ay Internetka ku leedahay ee laga codsado Fiisaha ama Dal-ku-galka Zambia ku baahisay Liis lagu soo ururiyey Dalal Somaliland ku jirto oo la ogolaaday inay Baasaaboorradooda ku tagi karaan Zambia isla-markaana loo fiiseynayo. Barta internetka ee laga xareeyo ama laga cadsado fiisayaasha Electroniga ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhammaan Waddamada Zambia ay u ogashahay fiisaha dalku gal waxaana ku jirta liiskaasi Jamhuuriyadda Somaliland. Dalka Zambia oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Afrika isla-markaana ka mid Waddamada horumarka sameynaya ayaa noqonaya Waddankii shanaad ee aqbala in lagu galo Baasaaboorka Somaliland oo aan aqoonsi ka haysan Waddamada Caalamka. Baasaaboorka Somaliland waxa hore u ogolaa Dalalka Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta. Related posts:Wasiirka Gaadiidka Iyo Jidadka Somaliland Oo Soo Kormeeray Halka Ay Marayso Wadada Berbera Corridor. Gudoomiyaha Cusub Ee Dalada Sonyo oo Loo Qabtay Muunasibad Hadhimo Sharafeed Ah oo Lagu Soo Dhawayna... Daawo: Boqor Axmed Bad-madaw oo ka Hadalay Koox Hubaysan Oo Soo Weerartay Maanta Iyo Cida Ka Dambey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|