|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbigii Xalaal Isku Doorta Ayaa Xornimo Loogu Codayn Doona.
February 11, 2016 - Written by Wariye:Tiroba inta xisbiyo ina soo martay mid dumay iyo kuwan dagaw dagaw leh lagama hayo xisbi Tusaale uma baahnin aynu u soo qaadano xisbi hebel iyo siduu isu doortay gudihiisa, haleel uma hayno ku celcelin wax aynu u soo joognay ee waxa ina horyaala waa xisbiyo ganacsi u furan, xisbiyo rag leeyahay ay adagtahay in lala wadaago weeye. Haday qaarkood aanay wali qabsan shirkii mulkiilaha loogu gacantaagi jiray, waxa muuqan karta yididiilo ka duwan waxaynu hore ugu soo daalay, kama dayrinayno ee waynu dhawri doona taas laftigeeda wixi naruuro ah ee ka soo baxa hadii AALAHA awooda lihi ka dhigo. Aragti kale waxay tilmaamaysaa ka ganacsiga siyaasadu inuu Somaliland ka noqday wax dhaqangalay dhexdoodana heshiisyo ay galeen hadhuubka hadba mid loo dhiibo. Kala doorasho waxa loo baahdaa wax kala duwani markay jiraan, wax isku mid ah kala xulashadoodu waa garaad dari waali iyo miyir qab midna laguma tilmaami karo. Muddo ayuu xisbi hebel ka tirsanaa xaflado loo dhigayay, hadana wuu ka xidhxidhay mid kale ayuu ka daba guuray,hadana wuu isa soo rogay. Ma siyaasibaa mise waa maqaaxidii shaqaalaha dhismaha ka shaqeeya hadba gurigay dhisayaan ka daba guuri jirtay ee DABA QABLEEYA. waydiintu waxay tahay xisbiyo magaca waxba yaynan dugsane meel inama gaadhsiinayane wax mayska waydiina mise dabaqableeyadeena ayaynu iska ahaana xisbiyada tolkaynu ooda u adkaynaa qaranimadana bar banaan ayaynu kaga guurnaa XUSEEN WARAABE Jonkoping COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|