Xisbiga Wadani Oo U Muuqda Midka Kala Garan la Mucaaridada Xukuumada Siilaanyo Iyo Qaranimada Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo U Muuqda Midka Kala Garan la Mucaaridada Xukuumada Siilaanyo Iyo Qaranimada Somaliland.
February 8, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA() Xisbiga Wadani Oo ah  xisbiga ugu da da,yar Asxaabta somaliland isla markaana lagu tilmaamo in uu yahay mid qunyar socoda ayaa mudooyinkan udanbeeyay waxaa kasoo ifabaxaya war murtiyeedo isburinaya kuna aradan milgii xisbinimo iyo koox meel wada jeeda sidoo kale habdhaqanka qaarkamida masuuliyiinta xisbiga wadani ayaa u Muuqda kuwa fulinaya Awaamirkale oo katimid cadowga somaliland

sidoo kale iska barbar hadalka masuuliyiinta  xisbiga wadani weerada wadamada somaliland udan ah ka jawaabida wararka aan sugnayn Iyo arimo kale oo badan ayaa ehel u noqotay hogaanka xisbiga wadani dhamaan habdhaqanada ayaa ah kuwa dhaawac gaadhsiinaya habsami usocodka siyaasadeed ee u muuqda in uu yahay mid socodbarada una dheer tahay wax iska celinta caadifada qabiilku hagayo

Habada maalmihii udanbeeyay ayaa masuuliyiin xisbiga wadani kamid ahi waxay siyaabo kala duwan weerar afka kula kaceen, DALADA DHALINYARADA SOMALILAND EE SONYO, DALKA KUWAIT oo ay u direen baaq ka baxsan anshaxa xisbinimo sidoo kale  waxay  waji qabiil u marin habaabiyeen muranka TIYAATARKA HARGAYSA,

Dhamaan ficiladaasi waxay kasoo baxayaa xisbiga wadani waxaase iswaydiintu tahay xisbiga wadani miyaanu shacabka somaliland cod ka doonayn,

qaybo intee leeg oo kamida bulshada somaliland ayuu ka maarmay,

isku soo wadada duub oo xisbiga wadani ayaa u muuqda midka baydhay dhabahii shacabka somaliland wax udoonayeen sidoo wuxuu quus ka dhigayaa rajadii shacabka ee ahayd in ay helaan cid badasha xisbiga kulmiye oo gofane ku noqday hantidii umada reer somaliland halka dhinaca kale uu meesha ka baxay Xisbigii UCID.

 

 

 

COMMENTS
LINKS