|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga KULMIYE Oo si kulul u Cambaareeyay Weerar Lagu Qaaday Goob Ay ka Socotay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Ee Degmada Lughaya.
February 17, 2016 - Written by Editor:WARSAXAAFADEED Ujeeddo: Cambaarayn Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku taal deegaanka Hadayta oo hoostimaada degmada Lughaya ee Gobolka Awdal. Weerarkan oo ay gaysteen koox dad abaabulan ahi maanta (17/01/2016), isla markaana hakad galisay habsami u socodkii hawsha diiwaangelinta ee goobsaati, waxa xisbiga KULMIYE u arkaa mid carqalad ku noqonaysa fulinta diiwaangelinta iyo nabadgalyada bulshadaba. Sidoo kale, ficillada fawdada noocani ahi waxay ka horimanayaan dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, sidaasi darteed, waa in xukuumaddu tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkan ka dhanka ah diiwaangelinta ka socotay ee deegaanka Hadayta. Alla Mahad Leh
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE XASAN SICIID YUUSUF
Related posts:Abwaan Daaha Gaas oo Ka Hadley Sababta Ay Fanaaninta Somaliland U Tagaan Muqdisho iyo Hadimoyinka Xu... Daawo:Ciidamada Maamulka Khaatumo Oo La Midoobay Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Nabad Ka Islaaxda D... Safiirka Dalka Djibouti Oo Ka Hadlay Roobabkii Ka Da,ay Xeebaha Somaliland Iyo dagaalka tukaraq + Ar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|