Wasaaradda Biyaha Oo Gabtay Shaqadii Ay Qaranka u Haysay Iyo Masuuliyiinta Sare oo ku Mashquulsan Hanti Urursi,Eex iyo Qaraabo kiil sidoo Kale Waxay ku fashilantay in ay Gacan Ka Gaysato Gurmadka Abaaraha & biyo Dhaamiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaaradda Biyaha Oo Gabtay Shaqadii Ay Qaranka u Haysay Iyo Masuuliyiinta Sare oo ku Mashquulsan Hanti Urursi,Eex iyo Qaraabo kiil sidoo Kale Waxay ku fashilantay in ay Gacan Ka Gaysato Gurmadka Abaaraha & biyo Dhaamiska
February 19, 2016 - Written by Editor:

Somaliland Waxaa ka jira Abaaro kuwaas oo ku dhuftay Gobolada galbeed abaartan oo baahida ugu weyn ee jirtaa ay tahay biyo yari

Hadaba waxaan jeclaystay in maqaalkaygan aan kaga  hadlo xaaladda dhabta ah ee ka jira wasaaradda biyaha

Wasaaradda biyaha Somaliland waxaa oo ahayd wasaaraddaha ugu shaqada iyo dhaqdhaaqa badan xukuumadii hore kuwaas oo ay ka hawgali jireen masuuliyiin iyo madax isla jaanqaaday isla markaana ah dad aqoon iyo waayo arragnimo u leh shaqada biyaha iyo macdantaba,

Wasaaraddu waxay kasbatay maalgalinta shisheeye kuwaas oo ka fulisay qodista ceelal faro badan kuwaas oo laga hirgaliyey iyadoo xawli ku socota ayaa waxaa qabsatay xukuumada maanta talada haysa waxaa  carqalad  iyo hakad gashay  hawshii wasaaradda ka dib markii la badelay la bedelay agaasimhii guud iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha oo ahaa xirfadleyaal karti hufnaan ku suntanaa

Muddo hal sano ku dhaw ka  dib waxaa wasaaradda iyo qaadhaan bixiyeyaashii ay isla qabsadeen waxaa  ay wasaaraddu fulisay ceelashii  qorshaysna   ceelashan oo qorshayasnaa badankoodu lana kowsaday maamulkii xukumada  Siilaanyo waxaase meesha ka madhnayn is fahmi waagii ka dhex dhacay shaqaalihii iyo masuuliyiintii xirfadleyaasha ahaa ee ay daneeyayasha Somaliland soo maalgaliyeen si xilkooda u gutaan, badalkoodiina  lagu bedelay shaqaale iyo Masuuliyiin ay qaraabo yihiin Wasiirkii Xiligaa Xuseen Cabdi Ducaale ka dib is qabsi iyo isku dhac ka dhex dhacay maamulka wakaaladaha biyaha ee dalka sida Ceerigaabo iyo Burco oo uu isku dayey Wasiir Xuseen in uu faragaliyo darteed ayaa Madaxweyne Siilanyo wasaaraddii ka saaray gacanta Wasiir Xuseen kana dhigay wasaaradd madax banaan una magacaabay wasiir cusub

Wasiirkaa Cusub waxaa u suurta gashay in uu dib u yagleelo wasaaraddii kuna soo celiyo xirfadleyaashii ka hawlgali jiray wasaaraddu waxay dib u kasbatay amanidii daneeyayasha wasaaradda ka caawin jiray fulinta shaqadeeda wasaaraddu waxay ku guulaysatay mudadaa qodista ceelashii ugu badnaa abid laga qodo , nasiib daro waxaa isku dhacay wasiirkii wasaaradda ee xiligaa iyo Agaasimaha Guud taas oo kaliftay in xilkiisa uu ku waayo wasiirkaas oo soo celiyey rajadii iyo Ididiladii beesha Caalamka iyo daneeyayaasha Somaliland

Wasaaraddii waxaa la wareegay wasiir Baashe oo ku mashquulsan nabadaynta gobolada bari sidoo kale inta badan aan wasaaradda ka soo xaadirin maalmaha qaar 7 cisho oo isku xigta  ayaan daradu waxay dhacaday ka dib markii agaasimaha Guud ee Wasaaraddu uu noqday masuulka haga wasaaradda isla markaana ku mashquulay sidii uu meesha uga saari lahaa masuuliyiintii iyo xirfadleyaashii wasaaradda dib u yagleelay ka dib markii ay dhinac ka mareen markii ay is qabteen wasiirkii hore

Agaasimaha guud waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay isagoo adeegsanaya saxeexa wasiirka aan xog ogaalka ahayn dhamaan xubnihii ugu muhiimsana wasaaradda iyo mareeyayashii wakaalada biyaha Burco iskuna dayey bedelka Mareeyaha wakaalada biyaha Berbera wasaaradda waxaa iskugu soo hadhay dad cusub oo aan la jaanqadi karin shaqadii xawliga ku socotay, isla markaana uu ku mashquulsan yahay Agaasimaha guud urursi hantiyeed iyo qaraabo kiil uu qoro shaqaalaha wasaaradda dad ay qaraabo yihiin halka uu wasiirkuna ku mashquulsan yahay safaro debedeed iyo marka uu wasaradda yimaado oo kaliya marka uu baahan yahay lacag yar oo uu qadhiidho agaasimaha guud markaas oo isna ka saxeexo bedelada eriga iyo xasuuqa shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda ee xuquuqda iyo tacabka ku lahaa dhismaha wasaaradda

Waxay kaloo gabi ahaan ku fashilantay in ay ka hawlgasho biyo la;aanta baahsan ee ka jira gobolada galbeed taas in ay ka hawlgalaan iska  dayee aan maalin qudha  hal booyad ah u dirin shir ka qaban kala xidhiidhin

Waxaan ku soo gabo gabaynayaa Madaxweyny ilaahay baa dalka kaala xisaabtamay waxaa fadlan ka qaad talaabo iyo Faro gelin deg deg ah masuulyiinta si ay wasaarddu dib u bilowdo shaqadeed

Wibilaahi Tawfiiq

 

Abdi Daahir Jama

COMMENTS
LINKS