Warbixin Ka Hadlaysa Maayirada Sadex Degmo Ee Wajaale,Arabsiyo,Geedbalaadh Iyo Isbarabar Dhiga Aanu Ku Samaynay+ Akhriso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Ka Hadlaysa Maayirada Sadex Degmo Ee Wajaale,Arabsiyo,Geedbalaadh Iyo Isbarabar Dhiga Aanu Ku Samaynay+ Akhriso
February 28, 2016 - Written by Wariye:

maayiroArabsiyo(WJN):-maayerada SadexDagmo OO katirsan Gobolka Gabilay iyo Isbarbardhig aanu Ku Samaynay,Runtii Maayeradan ayaa Maalmaha ay kulmaan ay Tahay Maalmaha ay Hawli kajirto Xafiiska Gobolka Gabilay,kaasoo kulmiya Dhamaan Masuuliyiinta Gobolka Gabilay,Hadaba waxa dhacda inaanu Daraasad Ku Samaynay Masuuliyiintii Dagmooyinka waxaanu Maanta Ku bilaabaynaa Masuuliyiinta Dagmooyinka Wajaale,Arabsiyo,Geedbalaadh,waxaanay Kala yihiin,M C/saleebaan Waa Maayerka Togwajaale,Mj C/Laahi Cabdi Faarax Maayerka Dagmada Arabsiyood,Mundane Daauud waa Maayerka Dagmada Geedbalaadh,Hadaba Masuuliyiinta ayaa Hogaamiyahay Dagmooyinkan aan hoos kusoo sheegay,Iyagoo uu midwaliba Ku suntan yahay waxqabad,Hadaan kasoo bilaaabo Dagmada Wajaale C/Saleebaan waa Maayerka ugu waxqabadka badan Maayeradan uguna Wakhtiga yar wuxuu joogay mudo Gaadhaysa 4 bilood,Wuxuuna waxka Qabtay Araimaha AasAasiga ah,wuxuu dhagax dhigay Wado Laamiya OO Halkiiloo Mitira,OO cusbitaalka ilaa Magaalada,Wuxuu Nadiifiyay Togii OO Maanta Waxa Lagu dhex iibiyaa Huudhaydhka, Dhanka kale wuxuu bixiyay Dayntii Lagu lahaa DAGMADA,Wuxuu kor uqaaday Dakhligii DAGMADA Wajaale,Maayerka Magaalada Arabsiyood,Mj C/laahi Cabdi Faarax Wuxuu Maayer ka ahaa DAGMADA Arabsiyood Mudo Gaadhaysa 5 Sano iyo Badh,wuxuu Qabtay intii uu joogay Magaalada Arabsiyood ee Masuuliyadeeda hayay ee Lataaban Karo waxa ugu wayn OO uu Ku Guulaystay inay yeelato Magaaladu Biyo,Taariikhda intii ay Magaalada Lahayd Arabsiyo in labada gacmood Lagu Maydho,Dhanka kale waxa dhismay intii uu joogay Magaalada Arabsiyo Kaawaan ay Dhiseen Golaha Deegaanka Gabilay,wuxuu isna kulahaa Kaawaankaa inuu bixiyay dhulkii laga Dhisay Kaawaanka OO ahaa Sadex balood,Inkatoo Markii Dambe Cawil Naqlaga Siiyay,Waa Masuul inta badan dhagaysta Bulshada laakiin aan lahayn waxqabad lataaban Karo,Dhanka kale waa Masuulka kaliya ee Lugeeyo Masuuliyiinta Dagmooyinka Dalka kuna qanacsan,Xukuumaduna ugaran wayday inay Gaadhi Siiso,iyadoo Dagmooyinkii kalaba Siisay Gaadiid,Hadii aynu Ugalno DAGMADA Geed balaadh,Md Daauud wuxuu joogay 8 bilood waxuu waxkaqabtayna OO lataaban karo wali majirto,inkastoo uu qayla dhaqan diro Xukuumada isagoo jaanis uhelay inuu Gobolka Soo gaadho,Sidii ugu heli lahaa Dadka ay abaaruhu Saameeyeen Biyo iyo baad,waxaana usahlay Gaadhi ay xukuumadu Ku Caawisay DAGMADA Geedbalaadh,iskusoo wada duuboo Maayeradan Dahmooyinkan ayaanay Wasaarada Arimaha Guduhu Siinin Waxkab ah,taasoo umuuqata inaanay danaynaynba Wasaaradu Dahmooyinkan Gobolka Gabilay,Wariye Muuse Xuseen Xasan

COMMENTS
LINKS