Warbixin Dhinacyo Badan Taabanaysa Qorshayaasha Maayarka Caasimadu Ka Wado Xaafadaha Qaar Ma Barakicinta Dadka Danyar Ahbaa Mise Waa Bilcinta Magaalada?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Dhinacyo Badan Taabanaysa Qorshayaasha Maayarka Caasimadu Ka Wado Xaafadaha Qaar Ma Barakicinta Dadka Danyar Ahbaa Mise Waa Bilcinta Magaalada?.
February 5, 2016 - Written by Editor:

Burburka Wadooyinka oo ay ka Qodan yihiin  Godad Waawayn wadooyinka dhexdooda,Buuxdhaafka Xashiishka Meelwalba  waxaanay dhamaan baylahahaasi hadheeyeen suuqwaynaha iyo farasmagaalaha magaalada Hargaysa.

SOLTELCO

HARGAYSA(Wajaalenews) Guud ahaan dadka shacabka ah ee Somaliland ayaa ah dad kasoo bogsaday dagaalo,abaaro iyo dhibaatooyin badan oo dabcan la qaybsaday nolosha kuwaasi oo rubuc qarnigii u danbeeyay amaba gooni isu taagii Jamhuuriyada Somaliland noqday bulsho kasoo doogay rafaadkaaa isugu jiray qaxa,macaluusha ay keeneen dagaaladu waloow aanay gaadhin wali halkii loo baahnaa oo ahayd inay helaan adeegyadii arimaha bulshada hase yeeshee waxa ay haatan heleen inay abuuraan gole deegaan oo toos ugu doortaan foodkooga si xor ah si ay u helaan cid ay ku aaminaan adeegyadii aasaasiga ahaa ee arimaha bulshada waxaanay degmo kasta laga yagleelay gole deegaan oo ay si toos ah usoo doortaan shacabku.

hadaba bulshada qaybaheega kala duwan ayaa qayba si ula tacaashaa soosaarista nolol maalmoodkooga waxaana bulshada qaybteeda ugu badan oo ah dad dan yar ah ay ka gacsadaan meelaha ay bulshadu ku socodka badan yihiin ee agagaarka wadooyinka iyaga oo ka yagleela ganacsiyo yaryar oo aan awood u lahayn in ay kiraystaan daaraha balse ka daboola uun nolol maalmoodkooga.ganacsiyada noocan oo kala ah ayaa boqolaal kun oo qoys subax kasta laga quudiyaa caasimada magaalada Hargaysa kuwaasi oo ay isaga dabaraan adeegyadooda nololeed sida waxbarashada,caafimaadka,iyo cuntada maadaama aanay jirin dawlad ay ku haleeyaan waxaana intaa u dheer cashuur ay mid walba Dawlada Hoose ee Hargaysi ka qaado.

Waxaa dhawaanahanba socday awaamiirta uu maayarka caasimada Hargaysa ugu hanjabayo in guud ahaan dadka danyarta ah ee caasimada ka ganacsada dhulka lala simi doono ganacsigooga iyada oo awaamiirtaa bahalnimada ahi qayb kamid ahi fushay dhulkana lalasimay dhamaan ganacsiyadii danyarta ahaa kuwaasi oo qaarkood qoysaskaas habeeno qadeen ilaa haatana aanay jirin cid u maqani balse ay is huran yihiin kaliyaata dhoola ka qosolka golihii deegaanka ee ay sida tooska ah u doorteen waxaana ay haatan gaadhay xaafadaha magaalada oo dhulka lala simay sida wadada isku xidha Hotel Maansoor ilaa xaafada Shacabka oo dhulka lala simay dhamaan ganacsiyadii yaryaraa.

In la baneeyo wadooyinku waa waajibaad saaran golaha deegaanka balse kaasi waa gole deegaan oo ka haqab tiray bulshadiisa adeegyadii arimaha bulshada dadkiisana ka saaray faqriga balse maayor Soltelko oo ku fashilmay in uu meel mariyo adeegyo badan oo ka hor burburintan ganacsiga danyarta ay ahayd in la meelmariyo sida burburka wadooyinka oo ay ka qodan yihiin  godad waawayn wadooyinka dhexdooda,buuxdhaafka xashiishka meelwalba yaala iyo dhamaan adeegyadii kale oo haba yaraatee aanay waxba ka fulin waxaanay dhamaan baylahahaasi hadheeyeen suuqwaynaha iyo faras magaalayaasha magaalada Hargaysa nasiib daro se barakicinta danyartu waxa uu ka socdaa xaafadaha magaalada Hargaysa oo runtii ay ahayd in si tartiib tartiib ah loogu fidiyo magaalada hargaysa.

Mayor Soltelco ayaan haba yaraatee wax qorshe ah aan u haynin dadkan danyarta ah isagoo dhulkii hantida guud ee ka go,asay shacabkana u adeegsaday nidaam musuqmaasuq iyo iska dhaadhicin shaqsiyaad gaara oo uu ugu deeqay dhamaan dhulkii hantida guud ee looga qorsheeyay in ay qof kasta ka go,ado si loogu dhiso iskuulaadka,sariibadaha,MCH yada iyo dhamaan meelaha adeega bulshadana waxaana intaa uu joogay Mayor Soltelco meesha ka baxay hantidii danta guud ee ka go,i jirtay beeralayda waxaana intaa dheer balaayiin doolar oo soo gala khasnada Dawlada hoose balse si qaldan uga baxa jeebka mayor soltelco waana la ogyahay inta kasoo baxda iyo miisaaniyada dawlada hoose oo hadii si fiican loo maamulo ay shacabka ku filaanlahayd miisaaniyada kasoo xeroota cashuurta ardiyada  oo laga qaado guri kasta oo ku yaala magaalada Hargaisa

sidoo kale maayarka casimada ayaa qorshayna dadka degan xaafada sheedaha in uu iyana sifo sharciga baalmarkan ku barakiciyo oo dhulka ay degan yihiina uu cidgaara siiyo falkaasi ayaan la ogayn waxa uu gaysiisdoona maayarka iyo dadkaa muwaadiniin ah ee la barakiicinayo.

Si kastaba ha,ahaatee golahan deegaanka ee uu hormoodka ka yahay Mayor Soltelco ayaa ah golihii u horeeyay ee ay soo doortaan shacabkiisu waxase maamulka soltelco dhaxalsiinayaa niyadjabwayn oo shacabka somaliland ka qaadaan helida gole deegaaan oo ay mudo u heelanaayeen sidii ay mar uun u heli lahaayeen gole deegaan oo shacabka matala.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

 

COMMENTS
LINKS