War-saxaafadeed: Ururka SOLJA Wariyayaasha iyo Warbaahinta buun-Buuninaysa, kuna dhex Milmaysa Khilaafka Beelaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-saxaafadeed: Ururka SOLJA Wariyayaasha iyo Warbaahinta buun-Buuninaysa, kuna dhex Milmaysa Khilaafka Beelaha
February 16, 2016 - Written by Editor:

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu ugu baaqayaa war-fidiyeenada Somaliland iyo hay’addaha warbaahinta inay ka digtoonaadaan inay baahiyaan muranka iyo khilaafka beelaha dhexdooda ka abuurma xilliyada ay jiraan arrimaha xaasaasiga ah ee dhaawici kara Amaanka Dalka.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu uga digayaa Wariyayaasha iyo Hay’addaha ay u adeegsanayaan kicinta iyo abaabulka Arrimaha dhaawici kara Nabadgelyada inay dib uga istaagaan isla markaana ay ka dhawrsadaan, si aanay u fuulin masuuliyadda dhibaatada ay keensan karto wararka ay ka baahinayaan arrimaha abuuri kara Nabadgelyo darada.

SOLJA waxay maalmahan ba isha ku haysa warbaahinta iyo wariyayaasha baahinaya wararka ay isku weerarayaan beelaha isku haya dhismaha dekedda yare e Ceel-garde, taasoo abuuri karta fidno haddii aanay warbaahinta kala taageeraysaa joojin hurinta khilaafka u dhaxeeya beelahaasi.

Waxa muuqata inay Warbaahinta qaarkeed Hurinayso ama kala taageerayso beelaha ku

muransan dhismaha dekedaasi, taasoo sumcad xumo ku ah mihnada Saxaafadda isla markaana muujinaysa masuuliyad darro saamayn ku yeelan doonta haybada iyo karaamadda Suxufiyiinta.

Ururka SOLJA isagoo ka duulaya Anshaxa iyo waajibaadka ku cad Xeerka Saxaafadda Somaliland waxa uu xasuusinayaa War-baahinta Somaliland inay dhex dhexaad ka noqdaan wax kala jiidashada Beelaha iyo Siyaasiyiinta Somaliland, maadaama Saxaafadda looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dajinta iyo xalinta khilaafaadkooda.

Iyadoo lagu jiro xaalad Abaareed isla markaana ay hoosayso taageerada ay helayaan dadka iyo xoolaha ay saamaysay waxa uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ku baraarujinaysaa Wariyayaasha iyo Hay’adaha warbaahinta ee ay ka shaqeeyaan inay xil iska saaraan sidii ay usoo bandhigi lahaayeen duruufaha kala duwan ee haysta.

Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu war-fidiyeenada ka codsanayaa inay ka foojignaadaan xaalad kasta oo loo adeegsan karo in Qaranka lagu waxyeeleeyo, gaar ahaana wakhtigan oo ay dalka ku socoto Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha isla markaana Doorashooyin ku soo socdaan, iyadoo deegaamada iyo Axsaabta uu ka dhaxeeyo Loolan adagi.

Suxufiyiinta Somaliland waxa ku waajib ah isla markaana masuuliyaddi ka saaran tahay ilaalinta Danta Guud ee qaranka, waxaana looga baahan yahay inay Tubta toosan ku hagaan Bulshada ay u adeegaan ee ku dhaqan Carriga Somaliland.

 

 

 

Sidaas daraadeed, SOLA waxay Wariyayaasha iyo Mulkiilayaasha Warbaahinta ku adkaynaysaa inay ka Taxadiraan buun-buuninta, Tabinta iyo kala taageerida dhinacyo kasta oo ay danahooda gaarka ahi waxyeelayn karaan Danta guud ee Somaliland.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA

Maxamuud Cabdi Jaamac

COMMENTS
LINKS