War Deg Deg ah:Dablay Hubaysan Oon Haybtooda La Garanayn Oo hal Askari Ku Dhaawacay Sanaaduuqdii Diiwan Galintana La baxsaday Degmada Lughaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah:Dablay Hubaysan Oon Haybtooda La Garanayn Oo hal Askari Ku Dhaawacay Sanaaduuqdii Diiwan Galintana La baxsaday Degmada Lughaya
February 17, 2016 - Written by Editor:

War Deg Deg ah:Dablay Hubaysan Oon Haybtooda La Garanayn Oo hal Askari Ku Dhaawacay Sanaaduuqdii Diiwan Galintana  La baxsaday Degmada Lughaya

Lughaya(Wajaalenews)Dablay hubaysan Oo aan Haybtooda La Garanayn ayaa galabta soo weeararay goob ay ka socotay diiwaan galinta Codbixiyayaasha  ee Degmada lughaya,wararka aanu ka helayno degmadaasi ayaa tibaaxaya in khasaaraha ay gaysteen yahay  dhaawaca hal askari Iyo in ay gabi ahaanba goobtaas ka qaateen sanaaduuqdii taalay ilaa haatana aan lahaynin meel ay jaan iyo cidhib dhigeen dablaydaasi.

Xukuumada ayaan wali ka hadal dhacdadan waloow aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno masuuliyiinta degmadaas hadana nooma ay suuro galin telifoonkooga gacanta oo xidhnaa awgeed.

wixii war ah ee kasoo kordha kala soco Shakada wararka ee wajaalenews

 

COMMENTS
LINKS