War Deg Deg ah; Dawlada Hoose Oo Saaka Barakicin Iyo Burburin Ka Bilowday Xafadaha Shacabka Ilaa Jig jiga Yar Iyo Dadwaynaha Oo Mudoharaad Iska Caabina Kala Horyimid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg ah; Dawlada Hoose Oo Saaka Barakicin Iyo Burburin Ka Bilowday Xafadaha Shacabka Ilaa Jig jiga Yar Iyo Dadwaynaha Oo Mudoharaad Iska Caabina Kala Horyimid.
February 17, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(w.n) Gadiidka cagafyada iyo noocyada kale Ee ay dawlada hoose  ee hargaysa ugu talo gashay in lagu baabiiyo meheradaha yar yar ee agagaarka wadooyinka ku yala  ayaa saaka ku waabariistay xaafadaha shacabka iyo jigjiga yar iyagoo gabi ahaanba baabiiyay meelaha ka  ag dhow wadada

Hadaba dadwayanaha xaafada jigjiga yar oo iyagu hore u fuliyay Amarkii maayar balse ay si sharaciga baalmarsan mar kale ay dawlada hoose  ku fulisay  iyadoo loo isticmaalayo awood iyo ciidamo tiro badan.

Gulufka ciidamada dawlada hoose oo kaashanaya booliska ayaa waxaa kala hor kacaya maayarka Cabdiraxmaan Soltelco oo isagu hormuud ah qolooyinka burburinaya xaafada jigjiga yar gaar ahaan guuleed huteel ilaa kaalinta indha birta ayaa waxa ay dadwaynuhu kala horimaadeen mudo haraad wata rabshado kuwaasi oo ay ciidamadu u adeegsanayaa rasaas nool oo si ay u kala kaxeeyaan,,dadwayanah oo shidaya taayiro

Halka  ciidmada burburinaya  meheradaha shacabka  uu isna hor kacayo maayar kuxigeenka caasimada cabdicasiis cagawayne,

Si kastaba ha ahaatee dawlada hoose ee hargaysa ayaan la garanay ujeedada ay xiligan oo ay bulshada reer somaliland ku jirto abaaro ba,an oo saameeyay guud ahaan shacabka somaliland  ay dawlada hoose u bilowday barakicinta dadka oo u muuqda in ay ujeedadoodu tahay sidii xukuumada siilaanyo ay bulshadu ugu kici lahayd.

 

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WAJAALENEWS

COMMENTS
LINKS