Wafti Balaadhan Oo ay Hogaaminayso Marwada qaranka Aamina Maxamuud Jirde Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariicyo Kala Duwan oo Ay Dawlada Hoose ee Gabiley Hirgalisay + Daawo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Balaadhan Oo ay Hogaaminayso Marwada qaranka Aamina Maxamuud Jirde Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariicyo Kala Duwan oo Ay Dawlada Hoose ee Gabiley Hirgalisay + Daawo
February 14, 2016 - Written by Editor:

Wafti Balaadhan Oo ay Hogaaminayso Marwada qaranka Aamina Maxamuud Jirde Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariicyo Kala Duwan oo Ay Dawlada Hoose ee Gabiley Hirgalisay + Daawo

 

Marwad Koowaad ee Soomaaliland Marwo Aamina SH Maxamed Jirde ayaa Saaka Xadhiga kajartay,Kaawaan Casriya oo ay yeelanayso Dagmada Arabsiyo Kaasoo ay Hirgaliyeen Golaha Deegaabka iyo Maayerkooda,Waxaana hirgaliyay Shirkada Caalamiga Ah ee Danfe Construction,Taasoo udhistay Si Casriya,kaawaanka laga hirgaliyay Dagmada Arabsiyood,Ayaa noqonaya Kii ugu horeeyay ee ay yeelato Arabsiyo,kaasoo waxbadan katari doona baahi Fara badan oo looqabay Kaawaan,Kaawaankan oo Socday Mudo Ku dhaw Labasano ayaa ayaa aadloosugayay inuu shaqeeyo,iyadoo ay Maanta noqotay in ay xadhiga kajarto Marwadii Koowaad ee qaranka Marwo Aamina Waris Sh Maxamed Jirde,iyadoo ay Socdaalkeedan kuwehelinayeen Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland,ugu  horayna Waxa halkaa ka hadlay Eng C/raxmaan Cali Danfe oo Madaxka ah Shirkadii Hirgalisay Kaawaankan oo Ku dheeraaday Sida Tayada le ee ay udhiseen inuu yahay hab Casriya,isagoo ugu baaqsy Dadwaynaha Reer Arabsiyoodna inay ilaashadaan  kaawaankooda si uu ushaweeyo Wakhti dheer,Waxa kaloo halkaaka hadlay Maanulka Gobolka Gabilay oo kusoo Dhaweeyay sidii ay Marwadu Xadhiga uga Jari lahayd Gaba gabadiina waxasoo Afmeertay ,Xadhigana kajartay Marwada koowaad ee Dalka waxaana ka mid ahaa hadaladeedii,Waxa Maata ii Farxada inaad igu Maamuustaan sidii aan Xadhiga uga Jari lahaa Kaawaanka Loo Sameeyay Bulshada reer Arabsiyood,Tani wuxuunbay kamidtahay Horumarka jasocda wadanka waanan ku Amaabayaa Amiin iyo Golahiisa Deegaankaba Dadaalka iyo waxqabadka Muuqda ee ay kahirgalinayaan Gobolka Gabilay,waa talaabo  mudan Horumar,dhanka kale waxay Amaan usoo jeedisay Reer Arabsiyood oo ay ku tilmaantay kuwo horunarka jecel horumarka,  xukuumaduna ay marwalba laqaban doonto,wixii karaankeeda ah.kaawaankan oo loo dhisay qaab Casriya ayaaa ah taariikhda abid kaawaankii ay yeelato Dagmada Arabsiyo.

 

 

Wariye Muuse Xuseen Xasan

COMMENTS
LINKS