Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa Oo Xadhig Iyo Xilka Xayuubin layskugu Daray+Maxaase Laga Raacay?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa Oo Xadhig Iyo Xilka Xayuubin layskugu Daray+Maxaase Laga Raacay?.
February 5, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Waxa goor dhaweyd xilkii taliyenimo laga xayuubiyey sida oo kalena saldhigga dhaxe ee magaalada Hargeysa loo taxaabay taliyahii ciidamada booliska ee saldhiga Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa Taliye Bedel Xasan Qayil.

Xadhigan Iyo Xil ka Xayuubinta lagu sameeyey taliyihii Ibraahin koodbuur ayaa ka danbeyey ka dib markii uu maalintii shalay saldhigga dhaxe ee Hargeysa u oggalaaday in uu uu soo gallo guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ugu yimi ganacsade Cumar Caydiid oo halkaas ku xidhnaa muddo saddex cisho ah.

taliye saldhig ee

Illaa hadda mar jiraan wax warar ah oo ka soo baxay dhanka taliska ciidamada booliska, lamana ogga cidda rasmiga ah ee bixisay amarka xil ka xayuubinta ah sida oo kalena xabsiga looggu taxaabay taliye Bedel Xasan Qayil.

waxa se wararku sheegayaan in marwada madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ay ka cadhootay booqashadii guddoomiye Cirro ee maalintii shalay, sida oo kalena ay dhibsatay hadaladii uu guddoomiyahu ku caddeeyey in aragtidiisa ku aadan xadhiga ganacsade Cumar Caydiid, waxaana ay wararku sheegayaan in xadhiga iyo xil ka xayuubinta taliyaha ay amarka soo bixisay Marwo Aamina Weris.

Arrintan ayaa ah mid ugub ku ah guud ahaan qaranka iyo shacabka Somaliland, waxaana ay noqonaysaa tallaabaddii ugu horeysay ee mas’uul dawladdeed lagu dhisado booqashada mid ka mid ah xafiisyada dawladda.

COMMENTS
LINKS