Taliyihii Laanta Socdaalka Somaliland oo la Bedelay iyo Taliye Cusub oo la Magacaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyihii Laanta Socdaalka Somaliland oo la Bedelay iyo Taliye Cusub oo la Magacaabay
February 18, 2016 - Written by Editor:

Waxa loo magacaabay Taliyihii xilligii UDUB

Hargeysa(W,n) Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa xilkii Laanta Socdaalka Somaliland u magacaabay Dayib Cismaan Caalin oo ahaa Taliyihii Laanta Socdaalka xilligii UDUB.

Wareegtada Cali Warancade xilka kaga qaaday Taliyihii hore ayaan la garanayn sababta uu u cuskaday, hase yeeshee waxa la sheegay in shalay subax lagu war-galiyey xilka qaadistiisa.

taliye

Dayib Cismaan Caalin ayaa xilka Laantaasi hore ugu wareejiyey Maxamed Canbaro oo ahaaTaliyaha Laanta Socdaalka, waxaanu Dayib illaa mudadaas ahaa xil suge.

 

COMMENTS
LINKS