Somaliland: Dal Sadex Qasnadood leh.Waiye Mustafe Herer | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Dal Sadex Qasnadood leh.Waiye Mustafe Herer
February 11, 2016 - Written by Wariye:

Somaliland: Dal Sadex Qasnadood leh: Dalka Somaliland oo ah dal yar oo ku yaala qaarad ay ka jiraan Colaado iyo musuq salka ku haya Nidaamka Jaahiliga ah ee Qabiilka iyo Qolqolada oo ah waxa kaliye ee hogaanka u haya xaalada dhabtaa ee ka jirta Geeska Africa khaasatan Bariga Afrika. Hadaba Somaliland oo ka mida dalalka lagu tilmaamo inay kaalmaha hore kaga jirto wadamada uu hadheeyay musuqu islamarkaana aan lahayn awood dhaqaale oo xoogan ayaa waxa hada soo biiray khaanado Amma Qasnado Xoojinaaya islamarkaana sahlaaya lunsiga iyo dulmiga lagu hayo guud ahaan waxa ka dhexeeya bulshada ee loo yaqaano danta Guud maqalo kale oo maalinba maalinta ka dambaysa sameynaaya Aalado Casriya hadaba Somaliland waxa hada ka jira Sadex Qasnadood oo mid waliba ay leedahay Qaabab isku lida . hadii aan u daadego waa hubaal in dad badani ay iswaydiiyaan waa maxay sadexda Khaanadood ee uu sheegayaa? aan ka jawaabo maalin kasta waxaynu isticmaal lago bilaabo ta aan Jeebka ku sidano ee loo yaqaano Kaashka oo tan hada ugu isticmaalka yar Somaliland,waxa kale oo isna jira Adeega uu muhadasay (uu soo saaray) Nin aan anuu Shakhsiyan u Aqoonsaday Bakhaylka Aduunka oo loo yaqaano ZAAD SERVICE oo hada maraaya labo qaybood, oo kii ugu dambeeyay uu yahay ZAAD CASH (Sln kaash) halkaa waxaa kaaga muuqda in Somaliland, hada ay ka jiraan sadex Qasnadood ama Sadex maqal, ku darso waxa hada sii kordhaaya xaalada musuq maasuq ee dalka iyo Boobka Danta guud oo ay Seefo waaweyn u sameysteen shakhsiyaad isku jira siyaasiyiin,dawlada, Ganacsato, Oday dhaqameed iyo Xataa culimada Qudheeda. hadaba bal ka waran iyada oo aynu ognahay xaalada dhabtaa ee uu maraayo maamul xumada iyo musuqaasi aynu soo xusnay maqaladaa badan ee ka jira dalka iyo awoodeena dhaqaale ee aynu ku jiro maxaa la filan karaa? waaa su,aal aan Jawaabteeda u daynaayo dadweynaha iyo Akhristayaasha. isku soo wada duuboo Somaliland hada waa dal le Sadex Qasnadood musuquna ku soo hayaamo Faalo: Qore: wariye mustafe Axmed maxamuud (Herer) email: Herersax@gmail.com Tell: 0634061560 facebook: garaad Mustafe Axmed Herer

COMMENTS
LINKS