SIILAANYO Wuxuu Marayaa. Allahayow Doc Naageed, Miyaad Igu Dambaysiisay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SIILAANYO Wuxuu Marayaa. Allahayow Doc Naageed, Miyaad Igu Dambaysiisay?
February 8, 2016 - Written by Editor:

DAYAX DHACAY…

Siilaanyo oo todobaatannadii ahaan jiray mid ka mid ah xiddigii ugu ifka badnaa ee dawladdii kacaanka, isla markaana sideetannadii ahaa gadhwadeenkii halgankii Jabhaddii SNM.

Sagaashannadiina ahaa,halgamaagii dhallinyartii aan ka mid ka ahaa magaciisa ku heesi jireen isla markaana ceellalyada u ahaa. Ahna aqoon-yahan iyo xeel dheere dhinaca dhaqaalaha ku talax tagay. AYUU MAANTA XAALKIISU JOOGAA, ALLAHAYOW DOC NAAGEED MIYAAD IGU DAMBAYSIISAY.
Waxa aan maasadan ka soo ergistay abwaan Ibraahim Sheekh Salleebaan “ibraahim gadhle”, magaceeduna waa Dayax dhacay.

Allahayow darxiiliyo maxaan, balo ka soo doogay,

Dunidaada eebbow maxaan, nabad ku soo daaqay,

Allahayow da’daan jiray maxaan, daawasho u joogay,

Arrinkii duraayiyo maxaa, sheeko igu duuban,

Annigoo ahaan jiray dorraad, beel nin daaddihiya,

Dabo ma leh ballaayee annoo, daanka qabanaayay,

Deeq iyo markay taagan tahay, doodda iyo baane,

Iyadoo rag ii daba, socdoo iga danbaynaayo,

Duunyiyo annoo qaar, badnaa deyn u kala qaaday,

Darajada rag leeyahay annoo daafta sare gaadhay,

Anigoo haween talo ka dayin dirasho mooyaane,

Allahayow doc naageed miyaad igu dambaysiisay?

Anigoon wakhtiga diiddanayn doorba waxa jooga,

Anigoon daamaciyin nin kale dahabka uu haysto,

Siduu dooo yeelow adaan talada kuu daayay.

 

QALINKII; Abdinasser Ibraahim

COMMENTS
LINKS