SHIRKADA SOCDAALKA EE SAHAL TRANSPORT AND LOGISTICS OO FUDUDAYSA DADKA SIDA SHARCI DARADA KU SO GALAYSA SOMALILAND . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SHIRKADA SOCDAALKA EE SAHAL TRANSPORT AND LOGISTICS OO FUDUDAYSA DADKA SIDA SHARCI DARADA KU SO GALAYSA SOMALILAND .
February 12, 2016 - Written by Wariye:

sahalHargeisa (Wajaalenews):-waxaa jira shirkado ka ganacsada isku socodka dadwayha u kala gooshaya magalooyinka dalka oo dhan.

Shirkadanahan oo inta badan laga leeyahay dalka Somaliland ayaa ah kuwo baahi wayn loo qabo .

hadaba shirkada fududaysa isku socodka dadka ku kala nool magaalooyinka hargeisa, gabiley , tog-wajaale iyo boroma ayaa qayb wayn ka qaadata sidii ay dalka dib u soo galin lahayd dadka aan sharciga haysan sida qoomiyada ormada oo ka soo jeeda dalka Ethiopia.

Shirkadan oo sida aynu ognahay ka shaqaysa magalooyinka aan xaga sare ku xusnay ayaa la ogaaday inay qayb ka tahay dadka sida sharci darada wadanka u soo galaya.

Sidoo kalena ka ganacsata dadka u kala tahriibaya Somaliland iyo Ethiopia.

Sida ay noo xaqiijayay wariyayaasha shabakada wararka ee wajaalenews.net in shirkada ganacsiga ee Sahal Transport and Logistics ay ku hawlan tahay sidii ay u xoojin lahayd ka ganacsiga dadka u kala soconaya labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

muuqaalo qarsoodiya oo laga qaaday DSC00297ayaa muujinaya dad badan oo qoomiyada oramada ka soo jeeda oo ku xoonsan baabuurta shida ee magaalada tog wajaale.

Hase yeeshee arintan ayaa ku soo beegmaya xili ay jamuuriyada Somaliland ay dib u celinayso dadka sharci darada ku jooga dalkeeda sidoo kalena ku hawlan sidii ay u ilaalin lahayd xuduudaheeda.

Sidoo kalena dad ka gaabsaday inay magacyadooda sheegaan ayaa noo xaqiijyay inay si wayn uga shaqaysato dadka tahriibaya ee ku sii jeeda dalka Ethiopia.

Dadkaasi oo ka kala tahriiba magalooyinka borama iyo tog wajaale oo ay shirkadu xarumo ku leedahay.

Dadkan oo u badnaa dhalinyaro la soo qaqabtay iyaga oo ku sii jeeda dalka Ethiopia.

 

Waxaana laga soo kala qabtay magaalooyinka borama iyo wajaale oo ah xarumaha inta badan ay dhalinyaradu ka tahriibaan

Dhalinyaradan ayaa markii la soo qabanayay qaar kamida ahna loogu tagay istaanka shirkada Sahal Transport and Logistics qar kalena gudaha ugu jiraan baabuurta shirkada.

 

Hadaba waxa ay dhaliil u soo jiidaysaa ciidamada police ka iyo ciidanka laanta socdaalka ee Somaliland oo ku hawlan sidii ay amniga dalkooda u sugilahaayeen nabad galyadiisa iyo ilaalintiisa.

 

Jidka isku xidha wajaale iyo kala baydh ayaa waxa habeenkii aad arkaysaa qulqulka dadka sharciga aan haysan ee dib u soo galaya gudaha Somaliland.

Qaar kamida dadkaasi ayaa sida ay u soo lugaynayaa ku yimaada caasimada Somaliland ee hargeisa qaar kalena baabuurta ayaa inta ay lacag ka qaataan si dhuumasho ah u soo galiya magalada hargeisa oo ay inta badan ka shaqaystaan.

 

Ugu dambayntiina arintani ayaa dhabar jab wayn ku noqonaysa jamuuriyada Somaliland sidoo kalena sumcada shirkada hoos u dhigaysa.

 

 

Wariye: Abdulkadir Habane

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS