Rigoore siyaasadeed baa yaala FLORIDA kaas oo ah cidda ama xisbiga dhaliya arrintaa gobol nimada Gabilay waqti xaadirkan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rigoore siyaasadeed baa yaala FLORIDA kaas oo ah cidda ama xisbiga dhaliya arrintaa gobol nimada Gabilay waqti xaadirkan.
February 10, 2016 - Written by Editor:

Rigoore siyaasadeed baa yaala FLORIDA  kaas oo ah cidda ama xisbiga dhaliya arrintaa gobol nimada Gabilay waqti xaadirkan.

Waxay Gabileyna jeceshahay taa cakiskeeda oo ah : in maanta mujaahidku musharaxnimadiisa ka tanaasulo madaama iyadu(Gabiley) maanta u sharaxan tahay Gobolnimo?

Hargaisa(wajaalenews)WADANI gudoomiyihiisa Craxman Cirro intaanu wareejin kursiga gudoomiyaha hadduu hor-keeni waayo aqalka wakiilada ma garanayo wax uu reer Gabiley la hor iman karo.

UCID iyo jamaal waa inay ballanqaad sameeyaan; Kulmiye (kala qaadiyo maayo xisbiga oo xisaabtaa inaga lumaysa) isaga qiil u heli kari maayo hadaanu intaa u hadhay dhamaystirin.

Waan ogahay mujaahidku wuxu jecel yahay in madaama isagu maanta musharax yahay arintaa dhulka la dhigo. Waxay Gabileyna jeceshahay taa cakiskeeda oo ah,in maanta mujaahidku musharaxnimadiisa ka tanaasulo madaama iyadu(Gabiley) maanta u sharaxan tahay Gobolnimo? Labadaa midkee fudud weeyi suaashu muddo xileed kooban 5 sano ah iyo mustaqbal dheer oo ddkaasi helaan? Haddii labadaa iyo niyadsami la isku heli karo, anigaa kaa jecel.

Midhaa taariikhda, waxaa berrigii Ina Cigaal ka dhow, tan Siilaanyo ee ballanqaadka iyo magaca bixisay, muxuu Muuse Biixi Cabdi iyo kulmiye ka qabtay muddadii 5 sanno ahayd? Muxuu ka qaban karaa maalmaha hadhay? Halkii madaxwayne Riyaale soo gaadhsiiyay muxuu ku dari karaa? Madaxwayne Silanyo hadduu xisbigiisa wato, ballantii uu hore u qaaday ma dhamaystiri karaa ? Dekeddan 2aad ee KulmiyeBerbera ka waddaba ilayn balan kuma jirine!

Ugu dambayntii, xuduuda Gobolka aan ka hadlayo waxaan soo jeedin lahayn sida tan :

in uu magaciisa oo uu soo jeediyay indheer garad degaanka ah ana aa la dhacay ” ALMIS Noqdo” hadaad nagu raacdaan In xuduudiisu ka soo bilaabmanto CEEL-SHEEKH ILAA WADDO-MAKAAHIL, waa KISMAAYO KALE: xoolihii, beerihihii iyo Kalluunkii Ahmed Ismail Abdi iyo Mohamed Hagi waxaan ugu bushaaraynayaa in isku-duwihii Kalluumaysiga ee gobolka hawshiisu meel fiican marayso oo dhawaan aad maqli doontaan.

Intaa xuduudiisu kuu sheegay marka aan gobolka markaan ka gooyo, waxaa soo hadhaysa Bulaxaar oo saaxil ah, Caasimadii qaranka iyo farawayne t oo hawd ah sida soo jeedinta nagu tahay.

 

Ujeedadeenu way cadahay, ciddii dalabkaa fulin kartaa waxa miiska u saaran 50% codadka guud. Ciddii kale raali ha inaga ahaaato. Warkaan idiin sheegay waxaa qaba waxgarad, odayaal , aqoonyahan, iyo dhalinyar badan oo beelaha gabiley, iyo galbeedka iyo waqooyiga hargeysa ah waxaana looga hawlgalayaa sida ugu mangalsan uguna waxtarka badan…

AQOONYAHAN HAMSE KHAYRE

COMMENTS
LINKS