Qadiyada Aqoonsiga Somaliland Ma Lo Gudbin Karaa Maxkamada Caalamiga (International Court of Justice)? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qadiyada Aqoonsiga Somaliland Ma Lo Gudbin Karaa Maxkamada Caalamiga (International Court of Justice)?
February 17, 2016 - Written by Wariye:

Dawlad kasta xiriir ayay lasamaysan kartaa dawlad kale, taas macnaheedu waxaa weeye dawladuhu waxay samaysan karaan xiriir

Maxkamada Caalamigu( International Court of Justice) maxay tahay? Awood ma uleedahay inay dawlad aqoonsato?, sharcigeedu ma ogalaanayaa inay aqoonsi uu raadiso wadan aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobey?

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland waa laf dhabarta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed Qadiyada Aqoonsiga Somaliland. Waxay tahay masuuliyadeedu inay samayso xiriiro diplomasiyadeed dalalka jaarka iyo kuwa ka durugsan bugcadda Geeska Afrika. Waxaa lagu tilmaamaa inay tahay midka mid ah dariiqa loo marayo qadiya aqoonsiga Somaliland. lakin nasib daro, Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland waxay ku guulaysan wayday in ka badan labaatan sanadood inay dunidda ka iibiso Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland iyo inay samaysato saaxibo ka caawiya siddii ay dunidda uga mid noqon lahayd. Maxaa Somaliland loo
aqoonsan laayahay? waa su’aasha ugu badan ee dadku is waydiinayaan.

AQOONSIGA IYO SHARCIGA CAALAMIGA (RECOGNITION IN INTERNATIONAL LAW)

Dawlad kasta xiriir ayay lasamaysan kartaa dawlad kale, taas macnaheedu waxaa weeye dawladuhu waxay samaysan karaan xiriir diblomasiyadeed, si ay u garaan danahooda gaarka. Tusaale ahaan dawladuhu waxay awood uleeyihiin inay danahooda ka hormariyaan ( national interest) inay uhogaansanaadaan sharciga caalamiga( international law), iyagoo aqoonsanaya dawlado cusub oo dunida kusoo biiraya. Arrinkaas waxaa daliil uh aqoonsiga Kosovo 2008 loo aqoonsaday dawlada Kosofo (Republic of Kosovo) iyadoo ka tirsan dhul waynahay dalka Serbia. waxaa kale oo xusid mudan aqoonsiga dawlada Turkigu ay aqoonsatay dhul kamid ah dalka Qubrus (Republic of Cyprus) gaar ahaan waqooyiga Qubrus ( northern of Cyprus) in dawlad ay tahay.

Waxaa jira laba Hab oo sharciga caalamigu aqoonsigiisu ku imman karo

1. Aqoonsigu wuxuu ku iman karaa marku dawladdu buuxiso sharcinimada aqoonsiga dawladnimo, taas oo keensanaysa ina loo aqoonsado dalka mid ah Dawladaha Dunida. Dawlada suudan waxaay ogalaatay xornimada koonfurta sudan, iyadoo lasameeyay afti laga qaado dadka koonfurta sudan inay ka mid ahaadaan dhul waynaha sudan ama dal madaxbanan helaan.

2. Aqoonsiga waxaa haga damaca dannaha dawladaha ( national interest) waxaanay carqaladeeyaan sharciga caalimaga ee aqoonsiga dawladnimo, tusaale in badan oo dawlaha dunida kamid ahi way aqoonsan yihiin jiritaan Kosovo inay tahay dawlad jirta.waxaa marag madoon ah in Turkigu yahay dawlada kaliya ee aqoonsan ina waqooyiga Qubrus yahay dawlad jirta.

AQOONSIGA DIPLOMASIYADEED

Aqoonsiga diblomasiyadeed waa mid shuruucda caalamigu ogolyahay, wuxuuna ku iman karaa marka go’aan siyaasadeed oo saamayn kule arriha gudaha iyo shuruucda caalamiga dawladu qaadato. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland dhisida xiriir diblomaasiyadeed oo waxtar leh may samayn, marka laga reebo xiriirka dalalka jaarka oo danaynaya Amniga iyo Xasiloonida wadamadooda inay xoojiyaan oo ay la yeeshaan Xiriir Amni ( Security Issue Relations) somaliland. Xirirka Somaliland la leedahay dunidu wuxuu ku salaynsan yahay xafisyo wakiilo (liaison offices) oo hawl wadeeno ka yihiin wakiilo aqoontoodu ku dhisnayn fahanka xiriirka caalamiga iyo aqoonta diblomasiyadeed ee heer dawladnimo.

AQOONSIGA IYO MAXKAMADA CADAALADA EE DUNIDA( INTERNATIONAL COURT OF JUCTICE( ICJ) )

Maxkamada caalamiga ee cadaalada dunidu waa mid kamid ah ha’ayadaha Qaramada Midoobey lagu aasaasay sanadii 1945, Magalalada Sanfarasisko ee Maraykanka. Waxay leedahay 15 Garsoore, waxayna qabataa laba shaqo marka la eego sharciga caalamiga.

Waxay xalisaa muranka dhulka ee udhaxeeyaa dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobey(UN member states)
Waxay bixisaa Talo sharci xubnaha dawlahadaha ka mid ah Qaramada Midoobey (UN member states)

YAA USOO GUDBIN KARA DACWAD MAXKAMADA CAALAMIGA?

192 dawladood ee xubinta ka ah uun baa usoo gudbinkara dacwad sharci, taas macnaheedu waxaa weeyaan maxkamada caalamigu ma qaado dacwad shaqsi, mid ururo aan dawliga ahayn iyo shirkadaha waa wayn ama dacwad la xirirta inay tahay mid gaara( private case), lakin dawladaha xubnaha ka ahi waxay dacwayna karaaan muwa’adinintooda Markay sharci noqoto.

Haddaba, Qadiyada Aqoonsiga Somaliland maaha mid ay ka garniqi karto maxkamada caalamigu. Aqoonsiga mayaalo maxkamada caalamiga ee waa mid yaala xiriirka diblomasiyadeed iyo shaqada Wasaarada Arimaha Dibedda Somaliland yadoo kaashanaysa wakiiladeed ujooga dalalka shisheeye. Aqoonsiga Somaliland waa mid ku iman kara in la helo siyaasad cad iyo ujeedooyin ka turjumaya Waasarada Arimaha Dibadda Somaliland.

Tusaale ahaan in la helo

Siyaasada Arimaha Dibadda oo Qoran taas oo xambaarsan ujeedooyinka siyaasada arimaha dibada Somaliland ( Foreign Policy Objectives)
Wakiilo aqoon hufan uleh xiriirka caalamiga iyo diblomaisiyada
Dib u habeyn qaab-dhismeedka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland

CAQABADAHA HORTAAGAN AQOONSIGA SOMALILAND

In Dunidu aqoonsato Somaliland waxay u baahan tahay inay fahanto caqabadaha horyaala suurana galin waayay in dunidu aqoonsato Somaliland muddo ku dhaw Dhawr iyo labatan sanadood.

Haddaba, maxay yihiin waxyaalaha hortaagan Qadiyada Aqoonsiga Somaliland:

Jamhuuriyadii la oran jiray soomaliya oon lahayn dawlad dhisan oo lagala hadli karo qadiyada jiritaan iyo madaxbanaanida Somaliland.
Habka federalka dawlada soomaliya ay ku dhisayso dhulkii la isku oran jiray Jamhuuriyada Somaliya, iyadoo samaynaysa maamulo cusub kuwaas oo caqab ku noqonaya in dunidu fahanto aqoonsiga soomaliland. Jamhuriyada Somaliya waxaa la isku oran jiray Somalida Waqooyiga (British Somaliland) iyo Soomaalida Koonfur (Italian Somaliland) oo midoobay lixdankii.
Sheegashada dawlad goboleed puntland ay sheeganayso Sool, Sanaag iyo Cayn taas oo dunida shaki kagalisay midnimada dhulka Somaliland. Arrintani waxay dhabarka ka jibasay maba’adida in dalkani leeyahay dhul isagu maamulo oo cayiman taas oo u gogol xaari karta in la aqoonsado.
Qorbo joogta goballada Awdal iyo Salal oo tabaya in helaan aayo ka tashigooda inay yeeshaan maamul madaxbanaan, iyagoo dareemaya in wada la haanshaha Somaliland ahayn mid cadaalad iyo sinaan ku dhisan. Taas oo bulshada caalamka tuseen in la isku raacsanayn deeegaan ahaan, aqoonsi raadiska Somaliland.

Mr.Abdishakur Mohamed Yusuf

Politics and foreign policy analyst (B.A Political science and IR, M.A International Relation and Diplomacy)

EMAIL: Abdishakurmoh@gmail.com. Tel: 0634424664

COMMENTS
LINKS