|
|||||
WAJAALE NEWS
Ololaha Dadban ee Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Isugu Biyo Shubtay Gobolada Galbeedka Iyo Labada Gudoomiye Oo Boorama Ku wada Kulmaya
February 10, 2016 - Written by Editor:Ololaha Dadban ee Xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani Oo Isugu Biyo Shubtay Gobolada Galbeedka Iyo Labada Gudoomiye Oo Boorama Ku wada Kulmaya Hargaisa(wajaalenews)Ololahii dadbanaa ee ay axsaabata xisbiyada Kulmiye Iyo Wadani isugu gaalaa bixinayeen gobolada bariga ayaa xiligan galay marxaladii ugu danbaysay iyaga oo safar koogu isugu biyo shubtay xiligan gobolada galbeedka waxaana maanta oo Arbaca ah cagta sii mariyay magaalooyinka Gabilay ilaa Boorama ee gobolada Awdal Iyo Gabilay isagoo labadii habeen ee u danbeeyayba ku sugnaa magaalada gabilay halkaasna kala hadlay waxgaradka Gabilay una sii dhaafay maanta Magaalada Boorama isaga cagta Sii mariyay magaalada dila meel fagaara ahna kala hadlay bulshadaas. Sidoo kale waxaa bari oo khamiis ah safar dheer u baxaya gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani C/raxmaan Ciro isaga oo kulan la qaadan doona wax garadka gobolka Gabilay waxaanu sii masixi doonaa raadkii ay Muuse Biixi Iyo Saylici dhigeen gobolka Gabilay isaga oo usii dhaafi doona magaalada Boorama Oo uu ku sugan yahay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici halkaas oo la filayo in ay kuwada kulmaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal labada gudoomiye xisbi ee wadani iyo Kulmiye waxaanay kala jiidan doonaan sida la filayo bulshada ku dhaqan gobolka Awdal. Si kastaba ha ahaatee xisbiyada Kulmiye iyo Wadani ayaa todobaadyadii u danbeeyay ku jiray olole dadban oo ka hordhacay xiligii xalaasha ahaa ee uu jideeyay distoorku waxaana laga dhursugayaa inay kusoo afjaraan safaradan ay ku marayeen gobolada dalka magaalo madaxda gobolka Awdal ee magaalada Boorama waxaana la filayaa in mid kastaa labada gudoomiye kasoo liso neef lo,a sidii ay markii ay gobolada bariga marayeen Muuse Biixi neef geel ah uga lisay halka gudoomiye Cirana neef geel ah waraabiyay wajaalenews hargaisa office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|