Ninka sanadka soo socda waalanayaa sanadka ka horeeya ayuu sii faydfaytaa.By Ahmed jama | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ninka sanadka soo socda waalanayaa sanadka ka horeeya ayuu sii faydfaytaa.By Ahmed jama
February 1, 2016 - Written by Wariye:

Ninka sanadka soo socda waalanayaa sanadka ka horeeya ayuu sii faydfaytaa.By Ahmed jama ismail..By Ibrahim ahmed (silaanyo)

Hadalkani wuxuu jawaab u yahay wiilyar oo bari dhaweyd tahriib ku soo galey wadanka belgium oo lagu magacaabo maxamed sulub kana tirsan xisbiga macaaradka ah ee wadani laantiisa belgium yarkaas oo caado iyo dhaqan ay u noqotey in loo isticmaalo wax ka sheega xisbiga talada haya ee kulmiye iyo maxada qaranka ee jahmuuriyada somaliland isagoo sigaar ah suuqyada uga caaya madaxweynaha ,mdw ku xigeenk iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye.

Isagoo xidhiidh aad u dhow la leh Daahir calasow oo aynu wadanaqaano halka ay ka taagantahay somaliland nacaybku sidaasi

darteed horayna waan ugu digney imikana waan u digaynaa ee haka waantoobo xisbiga kulmiye iyo madaxda qaranka ee uu makhaayadaha uu ka aflagaadeynaayo.

Somalidu waxay ka maah maahdaa inan waliba wuxuu gurigooga la joogo ayuu suuqa la yimaadaa ee malaha cirro iyo muuse biixi ayaa iskaga qaldamay ee hadaad ilowsan tahay aan ku xasuusinee gudoomiyahaagu waa cirro ,xisbigaaguna waa wadani waxaanu ku weydiiney miyaa lagaa eryay xisbigii aad katirsaneyd ee wadani mise wey kaashikiyeen?.

Intaas waxaan ku daraayaa cid waliba wey ogtahay xisbiga kaliya ee belgium ka dhisan ee shaqeeya inuu yahay kulmiye ee miyaad ku riyootaa beentan aad soo qorayso mar walba.

Hadaad ilowsan tahay ama aadan aqoon wixii laguu soo liqimay oo aad kala ilowday waxaan ku xasuusinayaa horayna waan kuugu sheegney xisbiga kulmiye ee belgium wuxuu leeyahay gudoomiye iyo ku xigeen iyo gudi midaysan ,taageerayaasha ugu badan belgium ee indhaha kala qaad oo dhirta hajiidhin gurcudbaad gudaysaaye.

Laakiin hadaad joogi weydo somalidu waxay tidhaadaa duqsiga biyaha ku dabaal bartaa maraqa ayuu ku gubtaa hadaadse jeceshahay inaad ku soo biirto xisbiga kulmiye horta wadani iska casil iyo shaqada aad u hayso ee fooshaxun .

Abwaankii cabdilaahi suldaan wuxuu yidhi dadkaan la hadlayabaan lahayn duxiyo iimaane bal iney dalfoof tahay oo qalbiga dooni laga saaray maxaan anigu kaga daalayaa waa dix dhagaxeede.

By Ibrahim ahmed (silaanyo)
Ahmed@hotmail.com

COMMENTS
LINKS