Murashaxa Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo ku xigeenkiisa Saylici Waxay Awoodi kari Waayey iney Xataa Damaanad Ku sii Daayaan Taageera Hoodii Xaga Lacagta Ganacsade Cumar Caydiid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murashaxa Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo ku xigeenkiisa Saylici Waxay Awoodi kari Waayey iney Xataa Damaanad Ku sii Daayaan Taageera Hoodii Xaga Lacagta Ganacsade Cumar Caydiid.
February 5, 2016 - Written by Editor:

Murashaxa Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo ku xigeen kiisa  Saylici Waxay Awoodi kari Waayey iney Xataa Damaanad Ku sii Daayaan Taageera Hoodii Xaga Lacagta Ganacsade Cumar Caydiid.

Muj Cali Cismaan CALI XARAARO oo ka hadlay xadhiga ganacsade umar cumar caydiid ayaa ku eedeeyay murashixiinta kulmiye in ay ku guul daraysteen xalka gaadhi xadhiga Xaqdarada ah ee ganacsadaha isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi; Murashaxa xisbul xaakimka Kulmiye iyo ku xigeen kiisa  Saylici  Oo hada kuxigeen u ah Axmed Siilaanyo ayaa awoodi kari Waayey iney xataa damaanad ku sii Daayaan taageera hooda xaga

Lacagta ganacsade Cumar Caydiid

Oo shan cisho ku xidhan

Saldhiga kood buur ee magaalada

Hargeysa, arintani waxay fadeexad

Iyo ceeb ku tahay labada murashax Ee xisbul xaakimka Kulmiye,

Waxa kaloo xadhiga Cumar Caydiid Tilmaamayaa qiimo la”aanta

Muuse Biixi ee ka jirta dhinaca Qasriga m/tooyada,

Waxa marag madoon ah inuu

Xadhiga Cumar Caydiid ka Yimi qasriga m/tooyada, waxaana la Sheegayaa amarkaasi inuu ka yimi Marwada Axmed Siilaanyo, in kastoo wararka qaar Kood Sheegaan inuu amarka soo bixiyey Baashe Cawil oo ah wiilka awooda Badan ee Axmed Siilaanyo sodaga

U yahay, arintani waxay si fiican

Daaha uuga feydey heshiisyo ay Wada galeen marwo Aamina Weris Iyo Muuse Biixi,

Heshiisku wuxuu ku sahab sanaa Soo afjaridii murankii mudada Dheer ka dhex taagnaa qoyska

M/tooyada iyo Muuse,

Ugu dambayna Muuse Biixi wuxuu

Ogolaaday wax kastoo qoyska

M/tooyadu muraad ka leeyihiin

Inuu taageero halka qoyska

M/tooyaduna ogolaadeen iney ka Dhigaan murashaxa xisbiga Kulmiye,

Hadaba akhriste ma kula tahay

Ninka sidaa foosha xun kursi ku

Heley ayaa cid kale u hadli kara?

COMMENTS
LINKS