|
|||||
WAJAALE NEWS
Murashaxa Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo ku xigeenkiisa Saylici Waxay Awoodi kari Waayey iney Xataa Damaanad Ku sii Daayaan Taageera Hoodii Xaga Lacagta Ganacsade Cumar Caydiid.
February 5, 2016 - Written by Editor:Murashaxa Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo ku xigeen kiisa Saylici Waxay Awoodi kari Waayey iney Xataa Damaanad Ku sii Daayaan Taageera Hoodii Xaga Lacagta Ganacsade Cumar Caydiid. Muj Cali Cismaan CALI XARAARO oo ka hadlay xadhiga ganacsade umar cumar caydiid ayaa ku eedeeyay murashixiinta kulmiye in ay ku guul daraysteen xalka gaadhi xadhiga Xaqdarada ah ee ganacsadaha isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi; Murashaxa xisbul xaakimka Kulmiye iyo ku xigeen kiisa Saylici Oo hada kuxigeen u ah Axmed Siilaanyo ayaa awoodi kari Waayey iney xataa damaanad ku sii Daayaan taageera hooda xaga Lacagta ganacsade Cumar Caydiid Oo shan cisho ku xidhan Saldhiga kood buur ee magaalada Hargeysa, arintani waxay fadeexad Iyo ceeb ku tahay labada murashax Ee xisbul xaakimka Kulmiye, Waxa kaloo xadhiga Cumar Caydiid Tilmaamayaa qiimo la”aanta Muuse Biixi ee ka jirta dhinaca Qasriga m/tooyada, Waxa marag madoon ah inuu Xadhiga Cumar Caydiid ka Yimi qasriga m/tooyada, waxaana la Sheegayaa amarkaasi inuu ka yimi Marwada Axmed Siilaanyo, in kastoo wararka qaar Kood Sheegaan inuu amarka soo bixiyey Baashe Cawil oo ah wiilka awooda Badan ee Axmed Siilaanyo sodaga U yahay, arintani waxay si fiican Daaha uuga feydey heshiisyo ay Wada galeen marwo Aamina Weris Iyo Muuse Biixi, Heshiisku wuxuu ku sahab sanaa Soo afjaridii murankii mudada Dheer ka dhex taagnaa qoyska M/tooyada iyo Muuse, Ugu dambayna Muuse Biixi wuxuu Ogolaaday wax kastoo qoyska M/tooyadu muraad ka leeyihiin Inuu taageero halka qoyska M/tooyaduna ogolaadeen iney ka Dhigaan murashaxa xisbiga Kulmiye, Hadaba akhriste ma kula tahay Ninka sidaa foosha xun kursi ku Heley ayaa cid kale u hadli kara? Related posts:Daawo : Madax Dhaqameedka Gobolka Gabilay Oo Xukuumada Somaliland Ka Codsaday Inay Gacan Bir Ah Ku Q... Daawo:Cusbitaalka TBD Degmada Lafta-Faraweyne Oo La Dhagax Dhigay iyo Hadaladii Wasiirka iyo Masuuli... “Waxaa Hada Iisoo Baxday, In Aanay Xaafada Daami Ahayn, Daamidii Hore”Gudoomiye Maxamuud Xashi. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|