|
|||||
WAJAALE NEWS
Muranka Dhulka Ee Hargeysa Iyo Boorame: Bam Gacmeed Uu Ku Adeegto Nin Dan Leh!
February 27, 2016 - Written by Editor:Hal-qabsi: Dhan haddey u wada jeedo oo duurka ka heshiiso, Dadka kama yaraateen ee waa is dabar-jareysaaye, Wixii hore u soo daashadey bay degashaneysaaye, Dugsi ma leh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane… Maansadii Dugsi ma leh Qabayaaladi ee Gabyaa C/llaahi Suldaan -Timacade-AHUN- 1967kii. Waxaa soo noq-noqdey xiisada dhulka ee degmooyinkii Hargeysa iyo Boorame gaar ahaan waqooyiga Hargeysa, Gabiley iyo Boorama. Cajiib, waxaa ah in qadiyad si fudud xal looga gaadhi karo haddana loo abuuro fad qalalo hor leh! Waxaan aad ugu mahad celinayaa walaalkeen Md. Max’ed Cabdi Daa”uud oo si cilmiyeysan, xaqiiq ah, isla markaa xirfadlanimo sare ku dheehan tahey u soo bandhigey runta dhabta ah ee qadiyadatan aynu ka bogsan weyney xanuunkeeda sababo jira dartood; cunfi qabiil misna sokeeye fogeyn huwan dartood (Waa mid ay labada dhinacba si kas ah u fuliyeen haba ku kala dambeeyaan oo u kala badsadaan xilliyo kala duwan). Max’ed Cabdi Daa’uud waxaa uu si fiican u soo gudbiyey arrinta iyo xaqiiqda ku lamaan oo aan meel loo dhaafaa jirin weliba si farshaxan leh! Waxaa uu ka tagey inta qabiileysneyd isaga oo maanka ku haya milkaha fiican ee dhaqanka(Maqaal wacan weeye:Yaan Laysku Garaacin Gacal Walaalo Ah)! Waa xog oo xaqiiq xambaarsan; khariidad, sharax dhameystiran, iyo meeleyn si cilmiyeysan loo dhigey oo ka fayow caadifad sifo kasta oo tahey! Xiisada qabiilku waa mid u dhexeysa inan iyo abtigii uma baahna in asturaada laga qaado haddiiba aan garsoor u fadhiyaa jirin waana sida iyo sida ay soo aheyd oo aabayaasheen iyo abtiyaashood heshiis ku ahaayeen kagana soo gudbeen xilliyo ay arrimuhu xassarad gacan ka hadal ah gaadheen balse wey baajiyeen dhiig dhexdooda ah! Waxa ay adeegsadeen caqliga fayow oo qanniga ah kuna furdaamiyeen DHAGAR EHLI AH si milgo, sharaf, oo geesinimo leh! Bal dhugo sannadkii 1948kii iyo gulufkii baaqdey ee banka Wajaale! Waxaa kale oo jirey markii iyo marka taliskii macangaga ahaa isugu hubeeyey sannadihiii qadhaadhaa dhal iyo dhasheed (1984kii-1991kii). Bal dib u dhugo kulannadii kheyrba aan dhallin BALAAYO LA ICLAAMIYEY mooyee bishii Febraayo 1988kii oo Gabiley iyo Dilla ka qabsoomey! Waxaa ka soo horjeeday midka midho-dhalka ahaa ee isla bisha weyn ee Febraayo 1991kii kaas oo naruuro, badhaadhe, nolol fiican oo hor leh, guul, iyo dheymo daawo ah uga dhignaa dagaalo sokeeye oo saheydey tiro badan oo isu abti ah oo intii muddo kooban aheyd isu qudh go’ay! Waa dhacdo xanuun badan oo u baahan wax ku qaadasho eh! Muxuu ahaa dardaarankii Sh. Cali Ayaanle oo ducada ku ladhey markii ay siyaarteen guddigii labada dhinac oo nabadeynta ka shaqeeyey 1991kii! Waa ma hadho taariikhdu eh, maxaa aynu ka dhaxalney Aabayaasheen iyo Abtiyaasheen? Haatan iyo waayaha taagan, sida ay laba jeer oo is xiga xilli ahaan reer Tolkey wax u dhigeen ma aha mid caqligu qaadan karo, dhaqanka meel kuma leh, oo uma qalmo milgaha sharafta ee nolosha (Dhacdadii jidka Kala-beydh ee 2009 iyo midka hadda ee Hadeyta 2016)! Waa mid si sahlan loo garan karo in aan talo lagu fulin koox dan leh mooyee! maba aheyn mid looga bartey inta badan dabeecad ahaan dhaqanka tolka haddiiba aan ged cusub lagu naaneysin! Waxaan qabaa haddiiba Suldaanka guud u soo ban baxey ka hadalkeeda oo dhugtey warkiisa, WAABA LAGU SUGAYEY EE AYNU GAR BAXNO SULDAAN OO MILGIHII IYO SHARAFTII AYNU LAHEYN HA LA INAGA HELO OO GAR BAXNO? Xanuun joogto ah weeye bal aynu soo af -jarno Suldaan iyada oo wixii maamul dowli ah looga fadhiyo fulintiisa dowlada ku shaqo leh balse inta qabaa’ilka ah aynu furdaamino inaga ayey inagu JIIFTAAYE! Suldaan cida difaacda kuwa qorshaha fuliyey waa la mowqif haddiiba aynaan is diidsiineyn! Badheedhaheyga gaarka ah, anigu waxaan ahey reer Awdal gobol doorasho ahaan, waxaan ahey reer Boorama, Dilla, Baki, Lug-haya iyo reer Seylac oo aan xaq u leeyahey in aan iska soo sharaxo gole deegaan walba iyo midka wakiilada/Guutida oo gobolka Awdal ah. Aniga ayaa qaba sidatan waana sida saxda ah oo in badan oo Il-maadeeradey ah illa wadaagaan balse nooga baahan go’aan qaadasho dhab ah? Gebo-gabadii, waxaan iclaaminayaa in aan doorashada wakiilada ee dhow ka sharaxanahey gobolka Awdal xisbigaan doono aan iska soo taago eh! Waa halkii iyo meesha oo Awowgey Qalinle Cali Samater (dhaban-loox)-AHUN-joogey xilligii uu noolaa oo martabo iyo milgo ummaddeed aheyd! Waxaan ku soo afmeerayaa, DADKU WAA UL IYO DIIRKEED yaan la kala muldhin! Allaa mahad leh, Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi, Hargeysa, Somaliland. Cell Phone: 00 252 (0)63 4137470 Email: mustafe72@gmail.com Related posts:“SIYAASAD erey u Baahan Dhiggiisa Oo Soomaali ah, si Qumaati Luugu fahmo.” Qalinkii Cabdinaasir Axme... Hambalyo Meher Wacan Boqorka Iyo Boqorada Sacad Cabdiraxmaan Ibraahin Iyo Marwadiisa Hibo Cabdiraxma... Waxa Xilalka Orodka Luugu Jiraa waa Sidii Loo Cuni Lahaa Xoolaha Ummadda Iyo cashuurta Yar Ee ka soo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|