Muj-Cali Guray Oo Dhaliilihii Ugu Cuslaa Usoo Jeediyay Wasiir Cali Waran-Cadde Madaxwayne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Xilka Si Dag Dag Ah Uga Xayuubiyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj-Cali Guray Oo Dhaliilihii Ugu Cuslaa Usoo Jeediyay Wasiir Cali Waran-Cadde Madaxwayne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Xilka Si Dag Dag Ah Uga Xayuubiyo.
February 4, 2016 - Written by Editor:

“ Cali Waran Cade sababta uu u dhimanaayo ee ilaa Xamar uu warqadaha ugu qoraayo waa hunguri , cali guray

Gaafow baa run sheegaya waayo waxaan aqanaa Cali Waran Cade!!!

Hargeysa(W,N) Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Yuusuf Axmed (Cali Gurey) waxaa uu ka hadley warqad  ay dawlada Somaliya sheegtey in uu u soo qorey wasiir Cali Waran Cade.

Waxaana uu sheegay Cali Gurey In Cali Waran Cade oo  ay ka suurtowdo in uu qorey warqadaasi isla markaana isagu Cali Gurey ahaan uu aaminsan yahay in uu Gen.Geefow oo run sheegayo Waran cadana uu warqadasi qorey Waxaana uu Yidhi .

“ Cali Waran Cade sababta uu u dhimanaayo ee ilaa Xamar uu warqadaha ugu qoraayo waa hunguri , Gaafow baa run sheegaya waayo waxaan aqanaa Cali Waran Cade waxaas iyo wax ka xumina waa qof ay ka suuroobaan  Waad arkeyseen markii uu ka jawaabaayey hadalkii geefow waxii uu warbaahinta ka lahaa anigu halkan ka  odhan kari maayo oo waxaas ba umad masuul u ah oo waliba wasaaradii ugu miisanka weyneed masuul ka ah yaa odhan karaya “ ayuu yidhi

Sidoo Kale Muj.cali Gurey oo hadalkiisii sii wata ayaa waxaa uu sheegay in Wasiir Waran Cade uu   umadii oo dhan inagu diray isla markaana uu qaato uu jeebkiisa ku dhacdo lacago aan loo sharciyeen waxaana uu yidhi .

“Cali Warancade waxaa uu ku fanaa Somaliya ayaan necebahay baastada ayaan necebahay ilmo yar oo toban jir ah baa ka caqli badan Cali Waran Cade umadii oo dhan buu inagu diray , waxba ma taro waana leynagu  soo habaarey , passporka ayey lacagi u saaran tahay oramada la diwaan galinayo ayuu lacag ka qataa looma  sharciyeen, markaas waxan uu guranaayo ha   gurtee waxuu kaga darey  dadkan uu caayaayo”Cali Guray

Ugu danbeyntii Mujaahid Cali gurey Waxaa uu madaxweyne Siilanyo ugu baaqey in uu xilka ka qaado Wasiir Waran Cade isla markaana aanu u qalmin xilka uu qaranka u hayo  oo uu ku   ku dhex haftey waxaana uu yidhi.

“anigu Cali Gurey  ahaan waxaan leeyahay madaxweyne qofkan xilka ka qaad ceeb ayey ku tahay adiga iyo umadan Somalilandba in aad wasaarada arimaha gudaha Cali waran cade wasiir ka ahaado hadii kale gidaaradii uu cad cadeen jiray u dhiib “ ayuu yidhi Muj. Cali Gurey.

 

COMMENTS
LINKS