Maxaa Tuke Lagu Haystaa? Qormo Dhacdooyin Xanuun Badan Xanbaarsan!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Tuke Lagu Haystaa? Qormo Dhacdooyin Xanuun Badan Xanbaarsan!!
February 12, 2016 - Written by Editor:

Inyar  ii kaadi, ha iga boodin, dacwadda ninkaas ee dalka Maraykanka ka  socotaa ha ii danbeyso, Tukayaashu waa badnaayeene. Aan ka soo bilaabo,  dhacdo boqolaal qof oo reer Somaliland ah saameysay 1986-kii.

Waxaanu deganayn magaalada Hargeysa, xaafadka mid ah 26-ka June,  gaar ahaan qayb loogu yeedhi jiray Faadumo Xirsi Cabane, imikana ah  Degmadda Ibraahim Koodbur qaybta Lixle (Aaga Sheedaha Hargeysa).

Waxaanu ka mid ahayn qoySas danyar ahaa oo halkaas degay  todobaatanaadkii. 1985-kii ayaa waxaa weerar culus nagu soo qaaday unug  ka mid ah ciidankii loogu yeedhi jiray Guul-waddayaasha, si xun ayay  xaafadihii iyo dadkii yaalayba u galalafeen, iyagoo doonaya inay xoog  kaga raraan dhulkii ay deganaayeen dadkaasi, waxaa arrintaas u dhintay  oo hawl-galkaasi uu Galaaftay Daa’uud Cumar iyo Ilmo-yar oo uu dhalay  nin lagu magacaabo Abiib Muuse Ibraahim, Ilmahaas oo ay dhabarka ku  siday Xaaskiisa Aamina Cabdi. Aamina Cabdi Jiir oo ilmaheedaasi sidii  loo dilay ka warantay ayaa waxaa ay tidhi.

“Markii ay na soo weerareen Guulwadayaashu, annigoo xaamilo ah, Ilma  yarna xanbaarsan. Ayaa mid ka mid ah ciidankii guulwadayaashu damcay  inuu igu dhufto Qorigii uu sitay dabadiisa, gabashadaydii aan ka  foorarsadayna waxaa uu Qarigii qabsaday Ilmihii dhabarka ii saarnaa oo  uu sanqaroorka kaga dhacay, waxaana ka furmay dhiig.

Sidaas ayaanu ku dhintay ilmahaygii” Hooyo Cibaado Yuusuf Cilmi, uur  ayay lahayd qudheedu maalintaas si xun oo aan arxan lahayna ayaa loo  jidh dilay, markii dadkii la ururiyay ee la kaxeeyay ayaa muuqa Uurkeeda  oo aad u weynaa darteed, nin ka mid ahaa ciidankii Milatariga oo meesha  goor danbe yimid arkay ruuxan xaamiladda ah, kaas oo ku yidhi  guulwadayashii waar iska sii daaya Inkaarma’e waxaana sidaa ii sheegay  Hooyaday cibaado oo dhashay qoskan uu guuwaduhu ku Haysto dhulkan aanay  aqoonin Aniga oo idiris ah.

ALLE HA U NAXARIISTEE . Illaahay Amarkii hawlgalkaasi in kasta oo  dhiig ku daatay oo dad badan oo masaakiin ah qaarkood lagu laayay, kuwo  lagu xidhxidhay kuwo kale oo maato ahna ay dhaawacyadoodii qabaan  aakhirkii haddana, sidii ciidankaasi doonayay uguma hir-galin, waxana  jiitankii arrintaasi soo af-jaray dagaalkii 1988-kii.

1991-kii Markii Somaliland xorowday dadkii dhulkoodii waxaa ay u  dageen si nabad ah nin waliba halkii uu lahaa xoriyad ayaanay ku  naaloodeen , mana jirin wax guulwadde sheegtay oo ka mid ah  deegaankaasi, waxana ay dadku xasuusan yihiin wixii loo geystay oo ay  rajaynayaan inay mar uun cadaalad u helaan.

Tacadiyaddu waa badnaayeen, dadka geystayna xaddi ma lahayn, mid si  guud loo galay oo dawladi dadkeeddii ku sameysay iyo mid si gaar ah loo  geystay oo qof sameeyay sidda kiiskan Tuke ee Axmaqnimadda ah (In ruux  nool in la gubbo), waxaana loo baahnaa in danbiiluhu sidiisa u ahaado  danbiille waabu yahaye. Waxaase mushkilad noqotay in badan oo ka mid ah  saraakiishii hawlahaas ku jirtay waxaa ay ku bad-baadeen  shaadh-qabyaaladdeed dib ayaanay mar kale ula soo baxeen Miciyihii ay  lahaayeen 1988 ka hor, waxana damac ka galay inay mar kale ay callankii  la doonayay inuu tacadiyaddaas hore wax ka qabto ay ku dulmiyaan ummada.

Tusaale ahaan, Ex dhame Guulwadde Maxamed Faarax Nuur oo immika ah  taliyaha qaybta bilayska aaga galbeed ee caasimadda Hargeysa, waxa uu  Maxkamadda geeyay 12-kii bishii 3-aad 2007-dii arji uu ku sheeganayo  inuu ka mid ahaa saraakiishii ciidanka guulwadayaasha ee hawsha aynu kor  ku xusnay ka qayb-galay si ay dhulka masaakiinta u boobaan. Warqadan oo  ku socotay Maxkamadda racfaanka Hargeysa waxa sumadeedu yahay  MRH/D-MRH/10/04. Hadana Kiiskaas oo sumadiisu noqotay 277 waxaa uu  yaallaa maxkamada sare oo dib u eegaysa. Iyaddoo dhamaan xukumadda laga  gaadhay dhinacii la doonaba ha loo xukumee aanay taabanayn xaqiiqooyinka  hoose oo aan la baadhin, loona daadegin gunta cid xaq leh iyo cid aan  xaq lahayn. {Nuxur ahaan, waxa ay ahayd in la hubiyo sifaha guulwaduhu  ku soo galay deegaankaasi ma ahayd sifo sharci ah} Aan ku celliyo, Tuke  umma doodi karro iyo noociisa midna. Laakiin, waxaa aan leeyahay waa in  nin kasta oo danbi galay cadaaladdu qabtaa. Maaha in mar kale, askarigii  ku dilay oo darajadii uu kugu wiiqay mid ka saraysa sitaa kuu taliyo oo  aad tolnimo ku ilaaliso ama uu ku badbaadaba reernimo, halka aad  eedaysanayaashii qaarkoodna ku dacwaynayso wixii ay galeen. Anigu  shaqsiyan masuulkan kor ku xusan umma garanayn inuu ku jiray kooxdaas na  laysay iyo in kale, laakiin, isaga ayaa sheegtay inuu waqtigaas ahaa  saraakiishii guul-wadayaasha ee dhulkaasi nagu haysatay, haddana  darajadii mid ka saraysa ayuu sitaa. Isaga uun maahee kuwo kale oo badan  ayaana jira oo iyagu dhuuntay ileyn meel ay mulkiyeen oo garanayaan oo  la siiyay xiligaasi ma jirto’e. Waxana kiiskan ka horeeyay oo soo  toosiyay odaygan ay ahayd inuu is qariyo oo uu xaseeyo faylka  Guulwadayaasha ee aanu raadinayno, mid ka horeeyay oo sheegtay in nin  Guulwade ahaa ka iibiyay dhulkaas.

‘Waxaa jira wax aad sharmoodayso oo khayr kuu ah,’ waxaan sidaas u  leeyahay, waxaba laga yabaa in dulmigii soo dhawaado oo cadaaladda la  hor keeno kuwii na dhibaateeyay. Kiiskan aan ka waramay oo marka la eego  labada dhinac ee midna leeyahay guulwadde ayaan ka iibsaday midna mar  danbe soo dhexgalay ee uu leeyahay anigaaba guulwade ahaa, waxaa inta uu  socday isu geyn noqonaysaa 24 sanadood, waxana is bedelaya dhulkii iyo  dadkiiba. Siina dhex geli maayo oo qormooyin taxane ah ayaan rabaa inaan  si faahfaahsan uga sameeyo oo dhacdo wal iyo siddii ay ahayd u qoro.

Waxaanse ugu baaqayaa hay’ada daba-galka Xasuuqa, Hayadaha Xuquuqda  Aadamaha, Xukuumadda Somaliland iyo cid kasta oo ka dhiidhida dulmiga in  dadka Degan xaafada Lixle ee Hargeysa loo taggo oo laga waraysto  Dulmigaas aan soo xusnay lana baadho. Waxaanan si gaar ah Maxkamadda  sare oo dacwaddan gacanta ku haysa uga codsanaynaa in aanay ku deg-degin  go’ aan ka gaadhista kiiskane ay u gudbiyaan hay’adaha baadhista  xassuuqa, xaquuqal insaanka Qaranka iyo kuwa caalamiga ahba, si loo soo  baadho dhibaatooyinkaas aan kor ku sheegnay inay jiraan iyo in kale,  laguna camal fallo natiijadda baadhistaas.

Haddii aan laga sal-gaadhin tacadiyaddan iyo kuwa la midka ah ee  badan ee dalka gudihiisa yaala, waxaa imanaysa su’aasha ah, “Maxaa Tuke  loo haystaa!’ Waxaa hay’adaha Qaranka ka codsanaya Agoonta/Rajadda Ilma  Muxumed Xassan.

QORE Idiris M Xasan,

0634421340

.Xeedhonews@mail.com

 

COMMENTS
LINKS