|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Dalka Nigeria Oo Sheegay In 50 Qof Lagu Dilay Weerar Isqarxin Ah Oo Ka Dhacay Xero Ay Ku Jiraan Barakacayaal .
February 11, 2016 - Written by Wariye:Kacdoonka Boko Xaraam waxaa ku abrakacay in kabadan 2 milyan oo qof lixdii sano ee la soo dhaafay BBC:Masuuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in 50 qof lagu dilay weerar isqarxin ah oo ka dhacay xero ay ku jiraan barakacayaal oo ku taalla gobalka Borno. Weerarkan ayaa talaadadii la soo dhaafay ka dhacay xeradan barakacayaasha oo dhinaca woqooyi ka xigta magaalada Maiduguri. Wararka ku saabsan qaraxan ayaa hadda soo baxay maadama deegaankaasi aysan ka jirin isgaarsiin fiican. Qaraxa waxaa gaystay laba qof oo dumar ah, mid seddaxaad ayaa la xiray kadib markii la sheegay in ay diiday in ay isqarxiso maadaama ay waalidkeed ku jireen xeradaasi. Kacdoonka Boko Xaraam waxaa ku abrakacay in kabadan 2 milyan oo qof lixdii sano ee la soo dhaafay. Source:BBC. Related posts:DAAWO;-Wafti Ka Socda Dalka Jabuuti Oo Lagu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Somaliland Ee Hargaysa DAAWO;-Madaxwaynaha DDSI Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Xarshin Iyo Nuxurka Kulan Uu La Qaatay Qaybah... Sicir Bararkii Dolarka Oo Mar kale Suuqa Sarrifka Lacagaha Qalaad Aafeeyey iyo Baanka oo Joojiyey Ha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|