|
|||||
WAJAALE NEWS
Marwada Madaxwaynaha Oo Safar ku Tagtay Magaalada Gabiley Iyo Dhalinyaro ficilo Diidmo ah Kala Hortagay Oo Xabsiga loo Taxaabay .
February 14, 2016 - Written by Editor:GABILEY(W,N) Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta safar ku tagtay magaalada gabilay ee xarunta gobolka Gabilay safarkan ayaa Sida wararka ay shabakadan wararka ee Wajaalenews ka helayso Ahaa mid daba socday safarkii gudoomiye cirro biyaha ugu deeqay dadka abaaruhu ku habsadeen ee deeganada gabiley, hadaba wararka aanu ka helayno safarka marwada ayaa tibaaxay in dhaliyaro ka gadooday hantida umada ee marwalba lagu casuumayo masuuliyiinta xukuumada iyo xisbgeeda ayaa ku kacay weedho ay ku diidan yihiin safaradan oo noqday kuwo maalin walba lagu bixiyo dhaqaalaha yar ee shacabka reer gabiley laga ururiyo,
dhalinyarada magaalada Gabilay oo ka cadhaysan hantida ololaysan ee baryahanba xukuumadu ku kharash garaynasay Magaalada Gabilay waxaanay taasi keentay in jeelka loo taxaabo qaar kamid ah dhalin yarada ku gadooday marwada.a kamid ahaayeen dhalinyaradan jeelka loo taxaabay kuwo ka gilgishay hantida cashuurta degmada ah ee ku lumaysa tamashlaynta qaar kamid ah masuuliyiinta xukuumadu. waxaana dhalin yaradaas kamid ah: 1-Sacad Aaden Cumar (Ceel Baxay) 2-Khader Maxamed Axmed (Dhiicaw) iyo qaar kale oo badan waxaana ay dhalin yaradani ku dhawaaqayeen hal ku dhagyo ay kamid ahaayeen Ereyo ficil galiyay . weedhahan ayaa noqday kuwo marqudha badalay dareenkii waftiga marwada taasi oo keenay in ay amar ku siisay maamulka gabiley in ay xabsiga dhigaan cidkasta oo ay kasoo baxayeen ereyadan ay dhibsatay marwo aamina waris. Imaatinka marwada madaxweynaha ayaa jawaab u ahaa safarkii dhawaan uu ku tagay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Oo dhawaan cadad biyo dhaamis ah kaga qayb qaatay abaaraha saameeyay deeganada degmadada Gabilay. Si kastaba Ha ahaatee Dhawaan ayay ahayd markii gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu safar kharash badan qaatay dhawaan uu ku yimid magaalada gabilay kaasi oo ay ka biyo diideen bulshada ku dhaqan degmadaas oo xiligan la ildaran abaaro ba,an oo naafeeyay dad iyo xoolaba.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|