|
|||||
WAJAALE NEWS
Magacyada Reeruhu Waxay Noqdeen Dhufaysyo Ay ku Gabbadaan Maal- Qabeen Macaash Raadisa, Siyaasi Mansab Raba Iyo Madax-Dhaqameedyo Aan Waxba Xeerinayn. Abwaan Weedhsame
February 22, 2016 - Written by Editor:NINKA AAN WAXA JOOGA GARANI WAXA SOO SOCDANA MA GARTO. Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ayaa si cilmaysay uga hadaly aafada qabiilka iyo cida ku shaqaysata sidoo kale wuxu ka hadalay xisbiyada siyaasda Somaliland oo uu ku tilmaamay qabiilkii oo maldahan hadaba marki barta uu ku leeyahay facebookga usoo dhigay qoraal kooban oo uu arimahaa kaga hadayo wuxu u dhignaa sidan; “Gedigeenii wuu ambaday walise ma garwaaqsanin inan ka lunnay halkii sahanku inoo soo tusmeeyey. Dhabbada maanta aan qaadnay iyo jidka aan maraynaa waa kii burburka iyo bayhoofka. Dib baan ugu guurnay guryihii dar-xumada iyo daranyadu fadhiday. Kala-qaybsanaantii qabaa’ilka ayaa ka taag weynaatay wada-jirkii iyo is weheshigii. Qabyaaladii iyo naxligii huursanaa ayaa mar qudha hagoogtii laga qaaday. Magacyada reeruhu waxay noqdeen dhufaysyo ay ku gabbadaan Maal- qabeen macaash raadisa, siyaasi mansab raba iyo madax-dhaqameedyo aan waxba xeerinayn. Xisbiyadu waa xulafo-reereed maldahan oo magacii uun laga bedelay. Mid kastana waxa u hal-hays ah ”WAA MARKAYAGII” Haddaba marka xaal halkaa marayo saw daw maaha inan is weydiino:
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|