|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Oo Madaxweyne Ku Xigeen U Magacaabay Riek Machar.
February 12, 2016 - Written by Wariye:
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa madaxweyne ku xigeen u magacaabay ninka uu loolanka siyaasadeed kala dhaxeeyay ee Riek Machar Tilaabaddan ayaa muujineysa horumar laga gaaray dadaalka loogu jiro nabad waarta oo dalkaasi ka dhalata. Riek Machar ayaa xilka haatan loo magacaabay horey u hayay ka hor inta labadan nin aysan is mucaaradin. Tan iyo dhammaadkii sanadkii 2013-kii ayaa xoogag daacad u ah labadani hoggaamiye waxa dhex marayay dagaal sokeeye oo aad u kharaar Dagaalkaasi oo barakiciyay hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof iyo waliba burburka hanti badan Machar ayaa soo dhaweeyay xilkaasi mar kale loo magacaabay kaddib heshiiskii awood qaybsiga ee la saxiixay bishii August ee sanadkii la soo dhaafay South Sudan ayaa ka go’day dalka Sudan oo laftirkiisa ay mudo dheer wadadagaalamayeen Arimaha sida weyn la isugu hayay ayaa ahaa mid ka bilowday labada qabiil ee waawayn oo kala qaybsamay Source:BBC. Wariye: Abdulkadir Habane Related posts:DAAWO;-Ugaaska Guud Ee Beelaha Samaroon Iyo Nuxurka Khudbad Uu Jeediyay Shirkii Uga Furmay Deegaanka... DAAWO; “ Maanta Waxaa Tartamayaa Beelo, Shalay Ayuu Suldan Xasan Reer Borama Ku Yidhi Anigoo Subeer ... Abwaan Xasan Dhuxul Oo Magaalada Istanbul ku Qabtay Bandhig Suugaaneed -kulmiyay Dadka Af soomaliga... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|