MADAXWAYNAHA JSL OO MAGACAABAY GUDI HEER QARAN AH OO U XILSAARAN ABAARAHA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MADAXWAYNAHA JSL OO MAGACAABAY GUDI HEER QARAN AH OO U XILSAARAN ABAARAHA
February 13, 2016 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku Magacaabay Gudi heer qaran ah oo u xilsaaran Abaaraha dalka ka jira, gudidaas oo uu Gudoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Xubnaha Gudida Madaxweynuhu Magacaabay. 

 

Ku:    Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

          Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                   

          Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

          Marwo Samsam Cabdi Aadan

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah                          

          Dr. Muuse Qaasim Cumar

Ku:    Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga                                                     

          Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami

Ku:    Xog-hayaha Golaha Wasiirrada                                                                 

          Mudane Sharmarke Axmed Muxumed

Ku:    Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga                                                    

          Muddane Maxamed Shukri Jaamac

Ku:    Mudane, Farxaan Liibaan Axmed                                                    

 

Ku:    Mudane, Maxamed Cali Maxamed                                         

 

Ku:    Mudane, Cabdiraxmaan Faarax Xarbi                                        

 

Ku:    Mudane, Cabdi-wahaab Maax Maxamed

 

Ku:    Mudane, Cabdiraxmaan Cali Cabdi

 

Ku:    Sheekh,  Ciise Maxamuud Cabdillaahi

 

Ku:    Sheekh, Cawil Faatax Shire           

 

Ku:    Sheekh, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi                         

 

Ku:    Sheekh, Maxamed Aadan Muxumed

 

Ku:    Sheekh, Xasan Cabdi-salaan Sheekh Cali                          

 

Ujeeddo:    Magacaabid Guddi

 

 

Mudanayaal,

 

 

Sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaas darteed, waxa daruuri ah in gurmad bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo Bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.

 

Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida u xilsaaran isku-dubarididda qaadhaan uruurinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxaana Guddoomiye idiin noqon doona Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

COMMENTS
LINKS