Loolan Siyaasadeed Oo Maalintii Sadexaad Labada Xisbi Qaran Ee Wadani Iyo Kulmiye Uga Socda Gobolka Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolan Siyaasadeed Oo Maalintii Sadexaad Labada Xisbi Qaran Ee Wadani Iyo Kulmiye Uga Socda Gobolka Awdal.
February 15, 2016 - Written by Wariye:

Hargeysa(wajaalenews):- Gobalka Awdal waxaa maalintii sadexaad ka socota diwaangalintii cod bixiyaasha Somaliland oo hore looga soo qabtey Gobalka Togdheer isla markaana ku soo dhamaatey si nabad galiyo ah.

Waxaana ay labada masuul ee wadani iyo kulmiye oo loolan adag oo siyaasadeed uga socdo gobolka awdal ay ku hirdamayaan sidii ay u kasban lahaayeen shucuubta dadka degan deeganadaasi iyaga oo labadii casho ee u danbeeyeyba kormeero kala duwan kusoo marayay deegaano fara badan oo hoos yimaada gobolka awdal.

Hadaba Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu hor kacaayo gudoomiyaha xisbigaasi Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro ayaa waxaa u xadhko xidhay dhinacaas iyo xeebaha waqooyi ee magaalada Saylac waxaana uu gudoomiyuhu kormeer ku soo maray magaalooyin badan oo u dhaxeeya Borama iyo Saylac oo ay ka mid yahiin Boon, Qolujeed , Cabdiqadir, Xariirad , Jidhi, Ceel Gaal ,Casha Cado Iyo Saylac waxaana uu gudoomiyuhu uu ku wacyi galiyey bulshada ku dhaqan degaanadaasi in ay ka qeyb qaatan diwaan galintaas isla markaana waxaa uu goob goob u soo maray goobaha ay diwaangalintu ka socoto isaga oo warbixin ka dhegaystay gudoomiyaaashii gobahaasi.

Gudoomiye Ciro ayaa inta uu safarkaasi ku jiray waxaa uu soo dhaweyn xoogan oo shucuubtiisa badeshay kala kulmay dadweynaha ku dhaqan deeganada u maray isagoona habeenimadii xalay usoo hoyday gudoomiyuhu magaalada saylac.

Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga kulmiye muj Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna sidoo kalena kormeero kusoo maray deegaano badan oo kamida gobolka awdal isagoona isna sidoo kalena kala kulmay shacabka ku dhaqan deegaanadasi soo dhawayno balaadhan wallow ay jiraan degaaano lagaga mudaharaaday gudoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen deegaanada Qolujeed, Xariirad Iyo waliba deegaanka Boon.

Waxaana uu gudoomiyuhu shacabka degan deeganadaasi isna ku booriyay inay qaataan kaadhka lagu codaynayo si ay ugu codeeyaan cidi ay rabaan ee ay u arkaan inuu dalka mamuli karo.

Gudoomiye muuse ayaa ay ka daadagi wayday mudaharaadada uu kala kulmay shacabka ku dhaqan deegaanada qaar isagoona markiiba tunka u saaray Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici in dadka degaanada AWDAL aanay raali ka aheyn in uu musharax matala u noqdo, waxa isna sidoo kalena arintaasi aad uga cadhooday Cabdiraxmaan saylic isaga oo isna sheegay in dadweynaha gobalka AWDAL aanay raali ka aheyn in uu Muuse Biixi Madaxweyne noqdo isla markaana ay taasi sabab u tahay in lagu mudaharaado.

Waxaana ay Arintaasi sabab u noqtay in uu dibada u soo baxo khilaaf huursan oo ka dhaxeeyey Labadan Masuul ee Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Saylici oo sababtay in Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane cabdiraxmaan Saylici aanu raacin waftigan uu hogaaminayo gudoomiye muuse biixi isagoona Cabdiraxmaan Saylici ku hadhay magaalada borama ee xarunta gobolka awdal.

 

 

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS