Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Cadaalada Darrada Kula Kacay Wiilkaa Shaqada Ku Guuleystay,Malagu Aaminkarayaa Doorashooyin Xor Oo Xalaal Ah? ??? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ee Cadaalada Darrada Kula Kacay Wiilkaa Shaqada Ku Guuleystay,Malagu Aaminkarayaa Doorashooyin Xor Oo Xalaal Ah? ???
February 17, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (W.N)-Guddiga doorashooyinka qaranka somaliland ayaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashinka gobolka saaxil u magacaabay Agaasimaha qorshaynta iyo jinsiyadaha dowlada hoose ee magaalada Berbera Maxamed C/raxmaan Xasan ,kaas oo sida la sheegay aan wax intixaan ah u soo gelin booskan,isla markaana la sheegay inay Madaxtooyadu waddato,iyadoo ay wararku intaasi ku darreen in aanu ku jirin dadkii guddiga doorashooyinka qaranka intixaanka kaga qaadeen magaalada Berbera sanadkii dhammaaday.

GUDIDA DOORASHOOYINKA

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa intixaan ka qaaday dad badan oo u tartamyey jagooyin kala duwan ee xubnaha komshanka doorashooyinka qarana ee gobolka Saaxil, kuwaas oo uu kamid ahaa Maxamed Cismaan Muxumed oo  ah ardayda ka qalinjebiyey jaamacada Hargeysa,kaas oo ku guuleystay kaalinta labaad ee tartanka intixaanka,waxaana loo sheegay inuu ku guuleystay Maxamed Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka Qaranka ee gobolka Saaxil,isla markaana waxa lagu yidhi marka ay shaqadu bilaamayso ayaa laguu yeedhayaa.

Haddaba wiikan ku guuleystay Imtixaanka ayaa markii uu tegay xarunta guud ee komishanka doorashooyinga qaranka magaalada Hargeysa maalintii shalay ahayd wuxuu agaasimaha guddiga doorashooyinka u sheegay in ninkale magaciisii iyo sawriradiisi loo soo gudbiyeen,kaas oo uu agaasimu sheegay in ay  guddiga doorashooyinka qaranka u soo gudbiyeen,isla markaana lagu badelay magaca wiilkan ku guuleysta shagadaasi,waxaanu agaasimu ka gaabsaday sida ay war-baahinta u sheegeen illo xog-ogaal ahi inuu xusi cidda daba ka riixaysay ninka ee ka shaqaysay in loo cumaamado meel aanu imitixaan soo gelin,balse baadhitaan dheer  ayaanu ku ogaanay inay daba ka riixayeen marwada madaxweyne Siilaanyo,wiilka ay  sodoga u tahay ee Baashe Moorgan,balse maskaxda waxa lahaa Moorgan saaxiibkiis oo ah Wasiir ku-xigeenka ka tirsan xukuumadda siilaanyo iyo xayndaabka madaxtooyada,kaas oo lagu magacaabo Kayse Guray.

Dhanka kalena arintan ayaa iftiiminaysa in aan masuuliyiintan guddiga doorashooyinka qaranku dalkan ka qaban karayn, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, oo cadaalada ku dhaca,maadaama oo ay falalkan nooca oo kale ah ku kacayaan, iyo kuwo kale oo kaba sii daran.

WARIYE CABDI SAXAFI

COMMENTS
LINKS