Iskushaandhayn Joogto Ah Iyo Dowlad Aan Sal Dhigan Kulmiye Waan Ku Ogaaye Doorkan Se Aleylehe Marwadii Baa Ku Faygartey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iskushaandhayn Joogto Ah Iyo Dowlad Aan Sal Dhigan Kulmiye Waan Ku Ogaaye Doorkan Se Aleylehe Marwadii Baa Ku Faygartey.
February 17, 2016 - Written by Wariye:

Waxaase taa ka sii daran badhaasbyada la bedelay waxaa liiska badhasaabyadaa xaga hore kaga jira guulwade mustafe shiine oo aamina

Muwaadin lixda sano ku dhawaad ee uu jiray maamulka Siilaanyo astaamaha gaarka u ah dowladiisa waxaa ka mid ah isku shaandhayn joogto ah dbcan xilalka qaranku sidoodaba waa meerto oo marba ninkii hanan karaa loo doortaa balse ta amakaag ku noqotay bulshada Somaliland ku dhaqan ceebna ku ah milgaha dowladnimo in masuul dhan oo loo calmaday xil mihiim ah in si fudud lagaga qaado labo bilood gudahood isaga oo aan xataa si fiican u kala baran wasaaradiisa tusaale ahaan guulwade Cadaani wuxuu isu soo maray sadex wasaaradood sadex bilood gudahood mid waa wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada midna waa wasiirka duulista iyo hawada oo markii lagu aamini waayay xoolaha ka
soo baxa oo ay si gaar ah u maamulato madaxtooyadu ayaa haatana loo magacaabay wasaarada warfaafinta si uu u caayo inaadeerkii gudoomiye Cirro

Waxaase taa ka sii daran badhaasbyada la bedelay waxaa liiska badhasaabyadaa xaga hore kaga jira guulwade mustafe shiine oo aamina weris u bedeshay gobolka buuhoodle halka gabileyna ay keentay guulwade kale oo ka soo jeeda deegaanka burco hadaba muwaadin bedelka badhasaabyada ayaa ah isagu xeelad qarsoon oo ay rabaan kooxda kulmiye inay ku musuqmaasuqaan doorashada soo socota ee 2017 hadaad u fiirsato gobol walba waxaa la dhigay badhasaab guulwade ah sida gobolka Togdheer oo loo magacaabay Qabo halka Boorame la dhigay Ramaax guulwade Hargeysana hadalkeeda daa oo wasaarada arrimaha gudaha warancadde sababta qudha ee xilka loogu dhiibay waa cabudhinta muwaadiniinta caasimada ku nool

Isku soo wada xoori isku shaandhantan waxaa si weyn uga dhex muuqatay marwada koowaad mar hadii uu hawlgabay madaxweyne Siilaanyo oo socdaalkiisi dhawaa ee Togdheer ummadii soo dhaweynaysey la yaabtay madaxweyneaha oo la soo deg kari waayay gaadhigii uu saarnaa khudbadiisana laga dheehan karo inaanuu kari karin wax dhaafsan labo erey oo gaagaaban oo uu ku celceliyo taas baana u saamaxday marwada koowaad inay la wareegto majaraha xukuumada waana halka uu daaqada dowladnimo uga soo dhacay mujrim Muuse Biixi oo si badheedh ah u adeegsada oo aan qarsi lahayn u adeegsada cududa dowladnimo isaga oo taageero muruq iyo maalba ka helaya inaadeertii Amina Weris khsnada ay u hayso inaadeertii Samsam halka uu ciidankana hogaamiyo inaadeerkii Shalqale eesh calaa dowlad

Daahir Sancaani <dsancaani88@gmail.com

COMMENTS
LINKS