Hooyo Samsam Waa Daneeyaha Danyarta Jamhuuriyadda Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hooyo Samsam Waa Daneeyaha Danyarta Jamhuuriyadda Somaliland
February 28, 2016 - Written by Editor:

Halkan  waxa aan jecelaystay maanta inaan ka soo gudbiyo  maqaal yar oo dul ka xaadisa oo ku saabsan marwo samsam cabdi aadan.  .kuna saabsan shaqsiyadda iyo shaqadda ay uhayso qaranka jamhuuriyadda soomaliland oo idil min bari ilaa galbeed.

Marwo Samsam waa hooyo aad unaxariis badan dadka jilcsan aad udhageysata daryeesha, aan ahayn wasiir iska weyniisa umadda ay utahay wasiirka. waa sifo ay kaga gadisan tahay ama duwantahay wasiiradda kale ee dalka .

Marwo samsam waa wasiiradii haweena  ugu horeysay qaranaka ee qabata xilak wasiirka wasaaradda waxbarashadda run ahaantii ah wasaaradd qiimo uleh qaranka, oo ah wasaarad guri kasta taabanyso xagga dareenka oo arday ay ka soo baxdo miyi iyo maagalaba .

Wasaaradda waxbarshadda inta ay joogtay wasiirad samsam waxa ay ahayd wasaarad samaysay waxyaaba horimar ah xagga waxbarshadda iyo xaga maamulba . wasiirad samsam waxa ay shaqalaysiisay shaqaalihii ugu badnaa ee wasaardda waxbarasha oo gaadhay kumanyaal macalin oo isugu jira kuwa dugsi sare iyo kuwa dugsi hoosaba ah dalka oo idil sidoo kale shaqaale kale oo ka tirsan  wasaardda.

Waxa ay ku guulaysatay inay ka dhaafto lacagtii laga qaadi jiray arday  oo runa ahaanti ku ahyda dhib dadka danyarta ee dhigta dugsiyadda hoose dhexe.

Waxa badatay daka is qoraaya fasalka koowaad ee dugsiyadda hoose oo awal dhib ku ahayd sababo dhqaale awgeed.

Hadabba markuu arkay madaxweynaha jamhuuriyadda soomaliland  hawlkarnimada, daacadnimada iyo dulqaadka marwo Samsam Cabdi Aadan waxa uu jacleystay inuu ku aamin karo kana soo bixi karto wasaarad halbawlaha u ah qaranka jamhuuriyadda soomaliland ee wasaaradda maaliyada, tasoo ay islamarkiiba laga dareemay isbadal aad uweyn oo ay la kulantay isbadalo dhaqaale oo ka dhacay aduunka sida dagaalkii yaman oo ay inaga soo gali jirtay dakhli badan oo xidhmay.  dad badani ayaa is lahyeen samayn badan ayuu inagu yeelanayaa oo ay wasiiraddu ay ka soo dhalaashay islamrkaan  xagii laga eegayey hoosu dhac ay sare usii qaaday dakhligii iyo miisaniyadii. Hadaba waxaan halkan ka qirayaa in wasiiradda maaliyaddu ay qabatay waxqabad muuqadad waxa uu shacbku wasiir ku leeyahay hambalyo hambaly marwo halkaa kasii wad wanu kuu abaal gudi doonaa.

Qalinkii: cabdiraxmaan  cali

Mobile number: 0633667747

COMMENTS
LINKS