Haween Weynaha Gobolka Moroodi-Jeex Oo Kulan Ballaadhan Ku Taageeray Murrashaxa Gollaha Wakiillada Mr. Maxamed Cabdikariim Cumar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haween Weynaha Gobolka Moroodi-Jeex Oo Kulan Ballaadhan Ku Taageeray Murrashaxa Gollaha Wakiillada Mr. Maxamed Cabdikariim Cumar
February 21, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Haween waynaha degmooyinka Faraweyne, 31 May, Koodbuur, Juune iyo Gacan libaax ayaa xalay xaflad ballaadhan oo lagu taageerayo murrashaxa gollaha wakiillada ee 2017ka, Mr Maxamed Cabdi Kariim oo ku magac dheer Maxamed-Maarshaal  ugu qabtay Hotel Safaari.  Xafladdan oo ahayd mid bilan oo si weyn looga soo qayb galay ayaa ahayd mid murrashaxa iyo haweenku isku xog warsadeen.

12772991_10153669531379442_1324309278_o 12767802_10153669531659442_704710740_o 12755003_10153669530319442_2080871249_o 12765624_10153669531324442_1230626013_o

Murrashax Maxamed Cabdi kariim waxa uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin doorka haweenku ku leeyihiin bulshada, isaga oo tilmaamay in ay laf-dhabarta dalka yihiin, sida oo kale waxa uu xusay qiimaha midnimadu u leedahay bulshada iyo horumarka ay dadka iyo dalka u keeni karto, isaga oo hoga-tusaaleeyey khilaafka iyo kala qobqobnaantu cidhib xumada ay bulshada ku keento. Waxa kale oo Murrashaxu uu ku nuuxnuuxsaday mihiimadda siyaasaddu u leedahay dhallinyarta iyo doorka horumarineed ee laga qaadan karo, waxa kale oo xusid mudnayd in Maxamed –Maarshaal uu si qoto-dheer uga hadlay hankiisa iyo waxa ku dhaliyey, sida oo kale waxa uu xusay in uu aqoonteedii  leeyhay, waxana hadalkiisii ka mid ahaa, “ In wax la doono oo wax la hungureeyo maaha wax ceeb ah oo xitaa diinteenu diidimayso, Nabi Yuusuf ayaa codsaday in uu xil u qabto boqorkii Masar, isaga oo dalbaday mansabka Wasiirka maaliyadda,  Yuusuf waxa uu wax ku doonay sida aayaddu sheegtay in uu yahay qof aamin ah sida oo kale na yahay mid aqoonteeda leh, sidaa awgeed aan ahay nin dhalinyar ah oo ku habboon jagadaas, sida oo kale aan siyaasadda uu  leeyahay aqoon .”  Maxamed-Maarshaal waxa uu ka hadlay doorkii uu ka soo qaatay taageerada guddoomiyaha xisbiga ahna murrashaxa madaxweyne ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Musharaxu wuxuu ka xogwarramay xaaladda abaareed iyo dhaqan dhaqaale ee bulshadu ku sugan tahay, waxaanu yidhi, “Dadkeenu waa  xoolo dhaqato iyo beeralay, saddexdii sanno ee ugu dambeeyay roob hagaagsan lama helin oo beerihii meeshii way ka baxeen, xoolihiina abaar baa dhammaysay, sidaa darteed waa in ka hortaga la sameeyo oo aan la sugin abaaraha.” Ugu dambayntii musharraxu wuxuu  baaq dheer u diray Ganacsatada, Xukuumadda , Culamaa’u diinka iyo hay’adaha in ay u gurmadaan bulshada tabaallaysan ee abaaruhu ku habsadeen waxana uu yidhi, “Walaalaha muslimiinta ah ee wax haysta waa in ay dadkooda u gurmadaan, hanti waxa inoo ahayd, tiina abaar ayaa idlaysay.” waxa uu Maxamed Alle uga baryey dalka in uu abaarta ka soo jabiyo. Ugu dambayntii waxa uu ka codsaday in ay taageero hiil iyo hooba uga baahan yahay bulshadiisa. Waxa kale oo uu hadalkiisa ku soo afmeeray in loo diyaar garoobo diiwaangalinta codbixinta.

12752263_10153669530569442_1361383538_o 12767835_10153669531169442_1802720749_o

ida oo kale Haweenkii halkaa ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyey murrashaxa iyaga oo ballan qaaday in ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, waxa ayna aad u soo dhaweeyeen una bogeen qudbaddii dheerayd ee uu u jeediyey, haweenku waxa ay iska dabo mareen baahida loo qabo murrashaxiin sida Maxamed oo kale ah, kuwaas oo aqoon iyo garashoba leh si dalku horumar u gaadho.

COMMENTS
LINKS