“Hargeysa Caasimad ku goblantay Quqnimada Cabdiraxmaan Soltelco!” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hargeysa Caasimad ku goblantay Quqnimada Cabdiraxmaan Soltelco!”
February 28, 2016 - Written by Editor:

Dadweynuhu markasta oo ay filayaan in ay doorteen masuul wanaagsan,  midkii ay rabeen mid aan ahay  ayaa uga soo baxa meesha.Waa kan Abwaan Gabax oo arrintaa ka hadlay;

“Tacabbaan dhul galiyaa ,                                                                                                                Ubax baan tallaalaa,                                                                                                                           Tog ku soo farruuraa,                                                                                                                   Halkaan timir ka sugayaan,                                                                                                                  Tiin ku waa bariistaa.”

Ma-hadhadu waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa in Cabdiraxmaan Soltelco noqday duqii ugu tacadiga badnaa, ugu shaqada xumaa, ugu kartida darnaa, ugu tamashlaha iyo dhoof ka badnaa, ugu na xatooyada badnaa ee caasimadda soo mara!

Hargeysi waxa ay u baahan tahay duq ka shaqeeya ee mid ka shaqaysta uma baahna. Hargeysi waxa ay u baahan tahay dug dan yartu xafiiskiisa ka heli karto ee uma baahna duq tujaarka iyo maal-qabeennada oo kaliya uun u adeega.Hargeysi waxa ay u baahan tahay duq ay ka go’an tahay in uu ummadda dhaxal u reebo ee uma baahanna mid shilin roorsi ku dhammaystay muddo xileedkiisa oo xoolaha ummadda faraqa buuxdsada.

Bilicda caasimadda Cabdiraxmaan wuxu u haystaa masaakiinta oo agabka ay ku shaqaysanayaa laga burburiyo, bilicda caasimaddu waxa ay ka tallaabsan la’dahay xadhkaha waaweyn ee suuqyadeena sida xuub ka caarada ugu dahaadhan. Hargeysi uma baahna duq iyo kuxigeenkii oo iskugu faana sawirro,suudhadh iyo cadarro.

Bilicda Caasimadda waxa dhib ku haya miisaska jaadka Gaafane,SBS,New-jabis iyo Kaalmaha shidaalka ee waaweyn ee dariiqyada goostay. Haddii awoodda maayarnimo ee Cabdiraax aanay gaadhsiisnay in kuwaa wax laga qabto, waxa ay noqonaysaa maayirnimo wiiqan oo dhan bakhti yahay. Dhallinyarta iyo reer Hargeysa gaar ahaanna inta sinnaanta iyo caddaalada jecel uma dulqaadan doonaan qaylada hooyooyinka danyarta ah.

Qalinkii; Cabdinaasir Axmed Ibraahim

COMMENTS
LINKS