Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee G, Gabiley Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Sharci Darada ah Ee lagu Kacay Dhalinyarada Iyo Sarkaal Shaqadiisii Ku Waayay Kadib Markii uu U Ogolaaday In Uu Galo Saldhiga, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee G, Gabiley Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Sharci Darada ah Ee lagu Kacay Dhalinyarada Iyo Sarkaal Shaqadiisii Ku Waayay Kadib Markii uu U Ogolaaday In Uu Galo Saldhiga,
February 15, 2016 - Written by Editor:

Ujeedo:- WARSAXAAFADEED XAFIISKA XISBIGA WADANI EE GOB. GEBILEY.

GABILEY(Wajaalenews)  Gudoomiyaha Xisbiga wadani ee Gobolka Gebiley, ahna Gudoomiyaha Gduddida Nabadgelyada golaha Deegaanka Degmada Gebiley XILDHIBAAN XASAN AXMED MAXAMED Ayaa Si Adag uga hadlay xadhiga lagula ka Qaarkamida dhalinyarada magaalada gabiley kuwaasi oo maalintii shalay  xabsiga loo taxaabay,

sidoo kale wuxu wax laga xumaado ku tilmaamay falka lagula kacay midkamida askarta saldhiga gabiley kaasi oo lagu xidhay gudomiyaha xisbiga wadani oo u ogolaaday in uu soo buuqdo dhalinyarada ku xidhan saldhiga gabiley.  waxaanu udhignaa  warsaxaafadeedkan oo uu  kaga hadlay arimo dhowr r ah  sidan:-

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd 14 bisha Feb, 2016 ka dhacday magaalada Gebiley in si xaqdaro ah loo xidh xidhey dhalinyaro reer Gebiley, xadhigaasi oo aanay jirin sharci loo maray, sidoo kale aanay jirin wax dembi ah oo lagu soo eedeeyay,. Kadib mar aanu ku booqanay isla saldhiga ay ku xidhan yihiin, waxay noo sheegeen arin aad u foolxun kaasoo ah in ay diideen in ay soo dhaweeyaan, wafdiga kulmiye ee ay hogaaminaysay marwada madaxweynaha oo shalay gebiley timid. Taasi waxaanu leenahay waa wax laga xumaado in dhalinyartii loo xidhxidho waad guulwadayn weydeen, dhaqankaasi oo ka baxsan milgihii dawlad dimuqraadi ah oo lasoo doortay, taasina waxaanu leenahay maaha mid ina wadaysa.

Mida 2aad waxaa ka sii daran in qaar katirsan askartii booliska ee joogtay saldhiga in kamid ah la xidhay kadib markii lagu qabsaday inay noo ogolaadeen inaanu booqano inamadaasi yar yar  ee lagu soo xidhay maxaad usoo dhaweyn weydeen Marwada Madaxweynaha. Waxaa wali u xidhan askariga (Arasaynka) ee saldhiga booliska Axmed Xuseen Cige (Axmed faroole).  Waxaanu ogaanay in xadhigaasi ay ka dambeeyeen masuuliyiinta Gebiley sida Maayarka Deg. Gebiley Maxamed amiin cumer iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Axmed Dacawo. Masuuliyiintaasi xilka loo dirtay maaha inay soo xidhxidhaan cidii u raxlayn weyda marwada Madaxweynaha, waxaanu leenahay bulshada reer gebiley way aragtaa falalkaasi xadhiga ah, falkaasi askartii lagu xidhayo taasoo ka baxsan milgihii dawladnimo.

GUDOMIYAHA XISBIGA WADANI EE GABILEY

 

Waxaan usoo jeedinayaa masuuliyiinta Gobolkani Gebiley, ee soo abaabulaya hadh iyo habeen falalkaasi foosha xun, ee ku bixinaya cashuurtii yarayd ee umadani laga soo ururiyay, in lagu xidh xidho dhalinyaradii, lagu kharash gareeyo xisbiga kulmiye, inay falakaasi joojiyaan, waana  laydin  kula xisaabtami, oo laysku  isku dayn maayo,

Lama soo koobi karo masuuliyiinta Gebiley injeer ay ku bixinayaan kharashaad xad dhaaf ah casuumado ujeedooyinkoodu dhaafsanayn buunbuuninta xisbiga kulmiye, lacagtaasi maaha lacag uu kulmiye keensaday laakiin waa cashuurta yare e kamidka tahay 500 ee shilin ee laga gurayo islaanta bacadka lafadhida alaabta yar, lacagtaasi waxay ahayd in wax loogu qabto dadka tabaalaysan ee manta xaalkooda la ogyahay, waana damiir xumo. Waxaan leeyahay dadweynow waad aragtaan halkay wax marayaan, waanad ujeedaan, ee  la xisaabtama oo indhihiina soo jeediya.

Waxaan ugu dambeyn usoo jeedinayaa Xukuumada gaar ahaan wasiirka daakhiliga warancade iyo taliyaha ciidanka booliska JSL Mr. fadal in Ciidankii booliska gebiley u xidhxidhayaan dadkii maxaad usoo dhaweyn weydeen xisbiga kulmiye, askartiina u xidhan yihiin maxaad u ogolaateen in xisbiga wadani soo booqdo saldhiga, ninka loo diidan yahay inuu booqdo cid xidhan waa aniga  oo ah Gudoomiyihii guddida nabadgelyada ee golaha deegaanka Gebiley Xildhibaan Xasan axmed Maxamed. Sidaa darted hadii aydaan idinku kusoo Amrin waxaan idinka codsanaynaa inaad wax ka qabataan.

 

Allaa  Mahad  Leh

 

 

(XILDHIBAAN XASAN AXMED MAXAMED)

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Gobolka Gebiley

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS