Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Oo Safar Dareeno Kala Duwan Abuuray Ku Tagaya Gobolka Gabiley Iyo Su,aalaha Horyaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse biixi Oo Safar Dareeno Kala Duwan Abuuray Ku Tagaya Gobolka Gabiley Iyo Su,aalaha Horyaal.
February 7, 2016 - Written by Editor:

Kala Fogaanshaha Dadka Deegaanada Gobolka Gabiley Ee Abaaraha Ba,ani ku Habsadeen Iyo Dabaal Dega Soo Dhawaynaysan Ee Murashax Muuse Biixi?

GABILEY(Wajaalenews) Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna Murashaxa Madaxwayne ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo wafti u Hogaaminayo ayaa lafilayaa in ay maalinta bari ah safar aan ujeedadiisa la shaacin ku tagaan magaalo madaxda gobolka gabiley.

CALAAMADA GABILEY

halka ilo wareedyo kale oo aanu helaynaa sheegeen  in ujeedada safarka gudoomiyaha ay uu ku lamaan tahay sidii uu usii raaci lahaa raashin mucaawino ah oo loo gaynayo dadka abaaraha baahsani ku habsadeen ee  gobolka gabiley.

Safarka murshaxa xisbiga kulmiye ayaa noqday mid dareeno kala duwan ka  dhex abuuray bulshada magaalada gabiley kaasi oo ilaa caawa iswaydiintiisu ay  ahayd mid ka taagnay meel ah ay bulshadu ku kulanto.

Sidoo kale wararka aanu ka helayno safarka gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa tibaaxay in markii hore qorshuhu ahaa in si baldhan loo so dhaweeyo wafti  maalinta salaasada balse duruufaha ka jira xisbiga dhexdiisa iyo xaalada gobolka oo xiligan ku jira abaaro baahsan la qorshanaya in waftigu uu si hoose ugalo magaalada halkaasina ay  kula kulmaan qaybo kamida madaxda dhaqanka iyo haweenba

Xisbul xaakimka kulmiye iyo msuuliyiintiisa ayaa waxaa horyaalo su,aalo qalafsan kuwaasi oo dhamaana ay shacabka reer gabiley u baahan yihiin in ay jawaabo u heleen

Ka hor intaan laga wada hadal tagero hor oo loo muujiyo xisbiga kulmiye oo isaga ay reer gabiley hore codka usiyeen dhamaana ay waxba kuma taal ay noqdeen balamihii ay  la galen bulshada reer gabiley.

Su,aalaha qalafsan ee xiligan horyaala murashaxa xisbiga kulmiye ayaa waxaa kamida.

1, Ansixinta Gobolnimada gabiley oo hore ay u balan qadeen Xisbiga kulmiye  balse waxba aanay ka fulin iyo wixii uu gudoomiye muuse ka qabtay mudadaa ay xukuumadu xilka haysay, iyo waxa isaga uga qorshaysan,

2,  waxka qabasho la,aanta dadkii kasoo barakacay colaadihii saameel oo wali gabiley  dhexdeeda qoxooti u ah sidoo kale waxaa iyaguna jeelka ku jira dadkii loo haystay dhibtii wadada ee dadka lagu laayay kuwaasi oo aan xataa kiiskooda wax maxkmada la gayn balse busladu dareen ka qabaan in uu ahaa qorshe xisbiga kulmiye xiligaa kursiga ku fuulay waxayna waydiintisu hortaalaa gudoomiye muuse oo xiligan marlabaad reer gabiley codka raba.

  1. sidoo kale su,aalaha horyaala waftigan halka ay ku danbeeyeen Siyaasiyiintii, kaatiriintii xisbiga kulmiye ee reer gabiley ahaana kuwii suurta galiyay in kulmiye guulaysto oo dhamaantood xiligan ka maqan kulmiye iyo taageerda muuse biixiba marka laga reebo dhawr xubnood.
  2. ka maqnaanshaha mansabyada xisbiga kulmiye oo aanay reer gabiley wax xila kahaynin iyo  gudoomiye muuse uga meelyaal.
  3. halkee ayuu ku danbeeyay kiiskii baadhitaanka iyo soo qabashada gacanku dhiig lihii dilay KABTAN MAXAMED YUUSUF CADE IYO SARKAALKII KALE EE GALU DILAY QORIGULUG.

Waydiimahan iyo qaarkale oo badan waxay ka mid yihiin xaqiiqooyinka jira ee horyaala safarka muuse waxayna  taageerda reer gabiley ee xisbkiga kulmiye iyo muuse biixi ku xidhan tahay hadba sida bulshadu ugu qanacdo wajaabaha murashaxa xisbiga iyo sida uu mar labaad reer gabiley loogu beer xalawsado magac xisbi amaba mid halgan oo  lagu bartay siilaanyo.

halka qolooyinka u ololeeya murashax muusena isticmaalayaan waa markeenii iyo hab qabiil

balse waxaynu ka warsugi doonaa halka ay biyo dhigato . HALXIDHAALAHA MUUSE BIIXI IYO REER GABILEY HALKA AY SAL DHIGTAAN

WAJAALENEWS DESK

 

GABILEY OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS