Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Somalilandl Ka Tacsiyadeed Geerida Ku Timid 14-kii Qof Ee Ku Dhintay Shilkii Gaadhi Ee Ka Dhacay Jidka U Dhaxeeya Kalabaydh Iyo Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Somalilandl Ka Tacsiyadeed Geerida Ku Timid 14-kii Qof Ee Ku Dhintay Shilkii Gaadhi Ee Ka Dhacay Jidka U Dhaxeeya Kalabaydh Iyo Gabiley
February 26, 2016 - Written by Editor:

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”isagoo ku haddlaya magaciisa ka golaha wakiilada , ka Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Iyo ka shacabka weynaha reer Somaliland,wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii asxaabtii qoysaskii qaraabadii iyo dhammaanba bulsshada reer Somaliland ee ay ka baxeen 14-kii qof ee maanta ku nafwaayey  shilkii naxdin lahaa ee ka dhacay jidka u dhaxeeya Gabiley iyo kalabaydh,kadib markii ay isku dhaceen gaadhi NOAH-ah oo sidey dad Shicib Ah iyo gaadhi Kale oo Laangaruusar ah.

Dhinanaca Kalen Guddoomiye Cirro wuxuu Alle uga baryayaa 9 –ka qof ee shikaasi dhawacantay inuu caafimaad Sareecana Siiyo oo uu Eebe ka caafimaadiyo dhaawacyada.

 

Guddoomiyuhu wuxuu  marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Xafiiska War-baahinta Xisbiga WADDANI

 

 

COMMENTS
LINKS