fursadaha Ay ku kala Guulaysan karaan Muuse Biixi Iyo Cirro + Saameynta Hab-Dhaqankooddu Ku Yeelanayo Guusha.FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
fursadaha Ay ku kala Guulaysan karaan Muuse Biixi Iyo Cirro + Saameynta Hab-Dhaqankooddu Ku Yeelanayo Guusha.FAALO
February 29, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Doorashooyinka inagu soo socda ayaa la filayaa inay tartan adag dhexmaro xisbiga KULMIYE  iyo Xisbiga WADANI, waxaana la tartamaya xisbi dardar cusub wata iyo xisbi is dhigtay oo niyada gashaday inay dawladdu la safan tahay, isla markaana u haysta inuu sidaas ku guulaystay.

ciro iyo muuse

Loolanka labadda xisbi ee KULMIYE IYO  WADANI ka dhexeeya ayaa tusaale fiican loo soo qaadan karaa tartankii ku dhexmaray gobolka Awdal, kaasi oo uu ku gacan sareeyey xisbiga WADANI, waxaana la moodaa inuu xisbiga wadani leeyahay qorsheyaal cad iyo khuburo loolanka iyo Kaambeyka si fiican u yaqaana, sidoo kale, waxa jira siyaasiyiin waayo arag ah oo xaga dambe ka hagaya xisbiga, isla markaana qorsheyn iyo jaan goyntooddu u cadahay halka loo socdo.

Bal aynu inyar isku dul taagno gudoomiye Cirro iyo Gudoomiye Muuse Biixi waxay ku kala duwan yihiin ama is dheer yihin.

1.Muuse waa nin ad adag, isla markaana inta badan aan tallo tiisa ahayn qaadan.

2.Muuse Biixi waa nin gacan adag oo xiitaa ololaha xisbigiisa ka sugaya gacan dad kale, isla markaana aan waligii la sheegin hanti uu leeyahay inuu u hurey dan siyaasi oo uu wax ku noqon karo.

3.Muuse Biixi waligii af soomaali wanaagsan iyo hadal ku deeqa lagama sheegin, wax aan af taag iyo kibir uu alle adoomiida uga digay ahayn mooyee.

  1. Muuse Biixi wuxuu ilaa hadda ku jira guri dawladood iyo Beertii dawladdu lahayd, iyadoo ila hadda laga soo saari laayahay, iyadoo ahayd inuu hantidda dawladda iska wareejiyo maadaama oo uu han madaxweyne u socdo si uu umadda u tuso in aanu xoolo dadweyne rabin, balse inta uu beerta dawladda uu xoog ku haysto lagama yaaabo inuu shacabka cod ka heli doono.

Guddoomiye Cirro wuxuu kaga duwan yahay Muuse Biixi:

  1. Cirro waa nin qun yar socod ah af gaaban oo waligiii laga arag erayo xanaf leh isagoo warbaahinta marinaya.
  2. Cirro waa nin siyaasadda cayda, aflagaadadda iyo shakhsi weerarka  ubedelay in hab maamul la isku  dhaliillo.
  3. Guddoomiye Cirro waa qof ku dhagaysanaya, lana doodi kartid waxaad rabtana ka dhaadhicin karto.
  4. Guddoomiye Cirro waana nin dadka isku waddi kara qof kastana jecel inuu raaliyo galiyo isagoo ujeedadiisu tahay inuu gaadho dantiisa oo ugu weyn tahay madaxweyne inoo noqdo.
  5. Gudoomiye Cirro waa nin lagu xanto inuu yahay deeqsi, isagoo cid  kale ku tiirsanayna wixii uu hayo ku bixinaya hadafkiisa iyo kursiga uu ku socdo, hore loo yidhi nin madaxi waa inuu ahaadaa nin gacan furan oo deeqsi waana astaamaha deeqsinimaddu lagu yaqaannno qofka madaxda ah.
  6. Cirro wuxuu u sameeyey xisbigiisa maamul daadejin, iyadoo qayb waliba shaqadeedu cadahay, taasina waa ta uu kaga badiyey dhowaan safarkii xisbiga WADANI iyo KUMIYE ku tageen gobolka Awdal iyo Selel, Waxaanu safarkii uu Cirro ku tagay gobolada galbeedku noqday kii loogu hadal haynta badnaa, iskuna muujiyey awoodiisa xisbigu u leeyahay hanashadda shacabka, halka MUSE Biixi iyo weftigiisu noqday uun kuwo iska socda oo aan macno badan samayn safarkoodu, ilaa hada Muuse Biixi deegaanadi uu marayey ee abaartu ku dhacday hal foosto uguma deeqin taasina waa astaanta Muuse Biixi lagu yaqaanno.

si kastaba ha ahaatee, Muuse waxa laga filayey inuu hab dhaqankiisii hore wax ka bedelo maadaama oo uu yeeshay han madaxweyne oo uu noqdo nin is dul dhig badan, isla markaana dadka dhagaysta oo  qof kasta yar iyo weyn qancin kara, waxaana ku waajib ah inuu marka hore hantidiisa u quudhaa hankiisa siyaasadeed.

Tan iyo inta uu MuuSE Biixi dhaqankii lagu yaqaanay wax ka bedelin inuu hankiisa madaxweynenimo jacaylku uu gaadhi waxay u jirta cir iyo dhulku inta ay isku jiraan, wayna adag tahay inuu sidaas ku hanto shacabka codeeya ee ay codka ka rabaan.

Guntii iyo gabogabaddii, Guddoomiye Muuse waa inuu u dhugyeeshaa dhaliilaha badan ee dul hoganayo ka dibna la yimaadaa qorshe isaga iyo xisbigiisu ku badbaadin karo hanta badan ee suuqa u yaalaana u bedela kuwo astaamo wanaagsan leh oo uu dadka ku kasban karo.

 

 

 

By: falayqeeye arimaha siyaasada Eng:Axmed Daahir  

 

 

COMMENTS
LINKS