Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Qaraxii ka Dhex-Dhacay Diyaarada DAALLO Uu Ahaa Fal Argagaxiso | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay In Qaraxii ka Dhex-Dhacay Diyaarada DAALLO Uu Ahaa Fal Argagaxiso
February 6, 2016 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews)  Xukuumadda Soomaaliya ayaa Warbixin Goor-dhaw ay shaacisay ku sheegtay in qaraxii ka dhacay Diyaaraddii Daallo Airlines ee Talaadadii ka Duushay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kuna socotay Jabuuti uu ahaa Fal Argagaxiso.

Warbixinta Xukuumadda Somalia ayaa lagu xusay in arrintaan lagu Xaqiijiyay baaritaanno la sameeyay oo ay iska kaashadeen hay’adaha Amniga Dowladda FS iyo kuwo Calaami ah oo gacan ka siinayay.

Diyaaraddii_Daallo_Airlines_ee_Qaraxu_Qabsaday_660

Sidoo kale, natiijada baaritaankan la shaaciyay ayaa lagu xusay in shaqsiyaadkii falkaas ku lugta lahaa Gacanta lagu dhigay, inkastoo aan la Xusin tirada Xubnaha loo Qabtay Falkaas iyo cidda ay ka tirsanaayeen.

Natiijada maanta la shaaciyay ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo Dowladdu ay Shilkaas kasoo saarto, waxaana dhawaanahan socday baaritaanno arrintan la Xiriira oo ay ka qayb-qaateen khuburo sir-doon oo caalami ah oo ay ka mid ahaayeen; Saraakiil ka socda FBI-da Mareykanka.

Dhanka kale, Diyaaraddii Daallo Airlines ee qaraxu ka dhacay ayaa Wararka Qaar waxay sheegayaan in Qaraxa ka dhacay uu ahaa mid lagu xiray Kambiyuutarada gacanta lagu sii qaato ee loo yaqaan Laptop-ka.

 

Ugu dambeyn diyaarada ayaa waxaa ka dhacay qof ka mid ahaa rakaabka oo markii dambe maydkiisa laga helay agagaarka degmada Balcad, kaasoo magaciisa lagu sheegay C/llaahi C/salaam Boorle, qaybna ka ahaa baaritaankii socday maalmahan.

 

COMMENTS
LINKS