Doorashadii Madaxtooyada Somaliland 2018 Ayey U Dhacday..W/Q Cali Maxamed Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashadii Madaxtooyada Somaliland 2018 Ayey U Dhacday..W/Q Cali Maxamed Biixi.
February 1, 2016 - Written by Wariye:

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland 2018 Ayey U Dhacday..W/Q Cali Maxamed Biixi

Shirar qarsoodiya oo is-daba joog ah oo madaxtooyada Somaliland ka socday muddo todobaad ah.
Waxa wada  yaashay shirarkan qarsoodiga ah  madaxweyne Axmed Siilaanyo( (iyo xulafada madaxtooyada fadhida ) iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal , waxay ka wada tashadeen  sidii  doorashada 2017- ka dhici lahayd dalka Somaliland sannad kale dib loogu dhigi lahaa  oo ay u noqon lahayd  noqoto 2018 -ka ,
si arintaahu u suurto gashona
waxay ku wada tashadeen in arimahan laga shaqeeyo
1- In dalka laga iclaamiyo in abaarro baaxad weyne

hayso
sidaa awgeedna waa in
2= Diiwaan gelinta la joojiyo .
2-IN wasiirka arimaha gudaha la bedelo
3- IN warbaahinta muddo 2-ba todobaadba ah lasoo geliyo in abaarro xun-xuni dalka meelo badan hayaan .
4-IN culimadda (wadaadada ) loo adeegsado arintan .
5- IN dalka oo dhan roob doon laga sameeyo , oo salaad roobdoon ah meel kasta laga tukado .
6- in todobaadkan lagu dhawaaqo in diiwaan gelintii la joojiyo , 6 bilood ka dibna la bilaabo ( bisha oktoobar )
7- Xiligaa marka la gaadhona waxa dhici doonta , in la yidhaahdo suurto gal maaha in doorashadii qabsoonto xiligeedii .
8- Kadibna waxa uu golaha guurtida iyo Saleebaan Gaal soo saari doonaan
Go’aan ah in doorashadii dib loo dhigay sababo badan awgeed oo ay ka mid yihiin
– in golaha komishanku codsaday oo aanu xiligeedii suurto gal ahayn in doorashadu qabsoonto
in aan dhaqaale ku filan in labada doorasho wada qabsoonto aan la wada hayn .
– in madaxweynihii dalka uu xanuunsanaayo oo uu dalka dibediisa ku maqan yahay .
iyo sababo kale oo aan caqli gal ahayn .
Hadaba maxaa xisbiyada mucaaradka arintan meel uga yaalla  ?
Abaaraha maanta dalka ka jiraa , waa kuwe ay xukuumaddu wax ka qaban karto , oo aan u baah nayn in ay beesha caalamka ka cod sato in ay ka caawiyaan .
waa abaaro yar-yar oo meelo yar-yar ku kooban
Waa abaaro aan u baahnayn in loo joojiyo diiwaan gelinta  .
Hadaba maxaa ay  yeeli doonaan xisbiyada mucaaradku  ?

Cali Maxamed Biixi
caliwwelli@hotmail .co.uk

COMMENTS
LINKS