Dilkii Ugu Foosha Xumaa Oo Ka Dhacay Magaalada Compton Ee Dalka Maraykanka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dilkii Ugu Foosha Xumaa Oo Ka Dhacay Magaalada Compton Ee Dalka Maraykanka,
February 16, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)- Inan yar oo 1 sano jir ah ayaa nin hubeysani xalay fiidnimadii ku dilay magaalada Compton ee dhinaca koonfureed ee gobolka Los Angeles ee dalka Maraykanka.

USA

Nin ku hubeysan qori ayaa habeenimadii xalay fiidkii hore waxaa uu dilay inan yar oo hal sano jir,waxaana la sheegay inay inantan yari ay ku jirtaa xilligaa xoolka ciyaalka.

Sarkaal u hadlay booliska magaalada Los Angeles ayaa sheegay in ninkan hubesani uu fuulay gaadhi,kaddib markii uu dilay gabadha yar.

Qof goob jooge ah ayaa warfidiyeenada u sheegay inuu maqlay xabbada kala duwan,sidoo kalena uu maqlayey qaylada haweeney,taasi oo lahayd “Waxay toogteen ilmahaygii yaraa,waxay toogteen ilmahaygii yaraa”

Sidoo kale oo qofkan goob jooga ah ayaa sheegay inay hooyada dhashay ilmaha yar ay wacday nabarka caawimada ee 911.

Qofkan goob joogaha ah ayaa sidoo kale sheegay in aabaha dhalay inanta yar oo ka shaqeeya geerash uu lala cararay inanta yar,gacmihiisana ku geeyey cisbitaalka St. Francis Medical Center .

Markii la geeyey cisbitaalka ayaa ilmahan yari ku dhimatay cisbitaalka gudihiisa,waxaana ay wararka qaar sheegayaan in ilmahan yari uu jirey saddex bilood,balse markii danbe ayaa la sheegay inay jirto hal sano.

Ciidamada booliska magaalada Compton ayaa baadhay qofkii geystay dilkan foosha xun,waxaana uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada danbi baadhista oo la hadlayey in reerka gabadhan yar dhalay ay immika xaaladdoodu aad u kacsan tahay.

 

COMMENTS
LINKS