|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Ingiriiska Oo ka Jawaabtay Sababta Ay Cabsida Amaan-daro Ee Soomaaliya Ugu Lamaaneyso Somaliland.
February 13, 2016 - Written by Editor:Afhayeenka xafiiska Arrimaha Dibedda iyo wadamadda Barwaaqo-sooranka ee wasaarada Arrimaha Dibeda Ingiriiska oo Himilo u Warantay London (Wajaalenews) Xukuumadda Ingiriiska, ayaa sheegtay inaanu arrimo siyaasadeed loola jeedin digniinaha socdaallada ay ka soo saareen tegitaanka Somaliland, isla-markaana khuseeyaa muwaadiniinta Ingiriiska. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska oo dhowaan soo saartay digniino socdaal inaan lagu tegi karin dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ayaa Su’aalo Wariye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsan ka weydiiyey sababta xukuumadda Ingiriisku digniino socdaal uga soo saaray Somaliland oo nabadgelyo ka jirto, marwalbana ugu lamaanayso nabadgelyo darada ka jirta Soomaaliya ayey jawaab kaga bixisay Ms. Sheena Lavery, oo ah Afhayeenka xafiiska Arrimaha Dibedda iyo wadamadda Barwaaqo-sooranka ee wasaarada Arrimaha Dibeda Ingiriiska.
Ms. Lavery ayaa sheegtay inaan digniinahooda socdaal ku salaysnayn arrimo siyaasadeed, waxaanay tidhi, “Digniinaha socdaal ee xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka (FCO) waxay ku qotomaan qiyaastayada heerka halista ee muwaadiniinta Ingiriiska, mana aha go’aan siyaasadeed. Waa qiyaaso si joogto ah loo qiimeeyo.”
Hadalkan ayaa noqonaya mid culays badan ka dejinaya bulshada Somaliland oo mar kastoo Xukuumadda Ingiriisku soo saarto digniino socdaalo ka dhan ah Somaliland ka muujiya werwer iyo in arrinkaasi xanibaado dibadeed ama maalgashi ku yeelan karo dalkooda.
XIGASHO; WARGAYSKA Himilomedia.com Related posts:: Hanti Dhawrka Oo Albaabada Iskugu Dhuftay Xafiisyada D/Hoose Ee Allaybaday, Gudoomiyihii Iyo Xogha... Daawo:Orodyahanka Caanka ah ee Mo Farah Oo Munaasibada 18 May Awgeed Hambalyo U Diray Shacabwaynaha ... DAAWO; Mareeyihii Hore Ee Tvga Qaranka Jsl Oo Ka Dareen Celiyay Xilka Qaadista Lagu Sameeyay!! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|