Dabayshii Isbedelka Horumarka Qaranka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dabayshii Isbedelka Horumarka Qaranka Somaliland.
February 15, 2016 - Written by Wariye:

Hadaba muxawiliintani maa aha qaar loosoo xiwishay ka shaqaynta ahanaan socodka iyo wax qabadka umada ama dar dar cusub galinaya raadintii

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarkaato.

Bulshada reer Somaliland waxay had iyo jeer ku baraarugaan mashxarad xaga qasriga madaxtooyadda kasoo baxa marka dadwaynuhu iswaydiiyaan su’aasha ah tolo maxaa jira? madaxtooyadda waxaa laga war helaa in ciyaarta iyo farxaddu ahayd damaashaad loogu dabaal dagayay nin jago loo magacaabay!! Maadaama aanay la socon qorshaha shaqo bixinta had iyo jareer mujtamcu waa ay moogan yihiin nin kani waxuu soo qabtay xaguu joogi jiray iyo shaqdiisii hore waxay ahayd iyo in uu jagadan la siiyay khibradeedii uu ku hawl gali lahaa leeyahay. Waa xaalka maanta yaala madaxtooyadda somaliland. Hadaba muwaadinaw ragan had iyo jeer jagooyinka sare sare ee xukumadda KULMIYE maaha qaar loo
soo soocay oo loosoo shaandheeyay:

Aqoon iyo Waxgarad

Garaadk iyo garasho

Waxqabadkooda,

Dal jacayl

Dad jacayl

Dulqaad iyo Xeerin

Mudakarnimo iyo Xaqdhawr

Hanti dhawr

Nimankaa aynu sare kusoo sheegnay waxaa in badan oo kamida laga soo xawaalaa dibadaha. Badankooduna waa nimanka mafrishyadda ku haysta/haysan jiray wadama europe, ama muqayiliinta ilkaha lagaga dhex guro mafrishka markay haleeli waayaan fursad ay dhakhtarka ilkaha booqdaan ama balan lagu arko kaga samaystaan. Hadaba waxaad is waydiisa ninka 10 sano iyo in ka badan mafrish fadhiyay ee magaalada uu dagan yahay aan aqoon suuqeedda iyo dhakhtarkeedda ma ka soo bixi karaa shaqo wasiir, mid xog haye, mid la taliye.

Kolay suaashaa jwaabteeda qofkasta oo mufakar ah oo qaligiisa kaa shadaa waa garan karaa jawaabteeda. Hadaba muwaadinadan loo xawilo Jamuuriyada Somaliland iyagoo Casuumad ka haysta Madax Waynaha Jamuuriyada waxay meel ka dhac ku tahay mujtamaca la dul gaynayo nimankan ku raaf dilaacay mafrishyada maadaama ay buux yihiin muwaadiniin ka fir fircoon ka wadan jecel ka himili iyo hiyi fiican ka aqoon iyo cilmi badan oo jooga dalkii hooyo gudihiisa kagana haboonaan gudashada hawshan maadaama ay ku dhexjiraan dareemayaana wax ay u baahan yihiin mujtamacoodu.

Hadaba muxawiliintani maa aha qaar loosoo xiwishay ka shaqaynta ahanaan socodka iyo wax qabadka umada ama dar dar cusub galinaya raadintii iyo yididiilada laga qabo ictiraafka balse waa dad lagu majaro habaabinayo dadka jecel hayb ku faanka sida “(ninkaasi jagadda la siiyay waa beeshayadda)” si loogu gufeeyo meel la iskaga jeedinayo beesha markaa uu ka soo jeedo. Ogowna sababta ninka marka horeba loo keenay meesha ee dawladu usoo xaawilatay waxaa weeye ogaashaha in aanu cidnaba wax tari doonin lana xisaabti doonin dawlada maadaama laftiisu ahaa naf la caarid ka faa’iidaysan waayay fursadihii horee soo maray.

Hadaba muwaadinoow waxaa Somaliland xukuma dad u baahan in loo geeyo dhakhaatiirta cilmi nafisiga si iyaga naftoodda loo dabiibo oo la fahan siiyo bulshadda dibna loogu soo celiyo habdhaqanka bini aadanimadda. Waayo qofka 10 sano barje ku lumiyay wakhtigii soo maray iyo fursadihii uu kaga faa iidaysan lahaa dhulkuu joogay waxa uu umada Somaliland u qaban karaa ma jirto aan ahayn in uu imika fursadan la siiyay uga faa’iideeyo naftiis isagoo fushanaya danihiisa gaar ka ah iyo bililiqaysiga hanti aanu lahayn!!.xukuumadda KULMIYE na mas’uuliyintiisu waa sidaa oo dalka iyo shacabkaba dan kama laha ,xaalada dalkana maalin walba way ka sii daraysa ee way soo dhawaatay wakhtigii la bad baadin laha aanu u diyaar garowno inshalaah isbedelka WADDANI .

By Mukhtar Cilmi

mukhtarcilmi@hotmail.com

COMMENTS
LINKS