DAAWO; Ujeedada Kulan Balaadhan Oo Ay Maanta Iskugu Yimaadeen Masuuliyiinta Heer Qaran Ilaa Heer Gobol Ee Gobolka Gabiley iyo xubno kale oo muhiim ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Ujeedada Kulan Balaadhan Oo Ay Maanta Iskugu Yimaadeen Masuuliyiinta Heer Qaran Ilaa Heer Gobol Ee Gobolka Gabiley iyo xubno kale oo muhiim ah
February 18, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Kulan oo uu Soo Agaasimay Wasiirka Warshadaha  Madane Shucayb Maxamed Muuse Si ay isku bartaan Masuulyiinta  ka soo jeeda Gobolka Gabiley Iyo Masuuliyiinta Kale Ee  Xilalka ku cusub Dhawaan loo magacaabay Sidoo kalena lagu soo dhawaynayay badhasaabka cusub  ayaa ahayd mid kulmisay haldoorka gobolka gabiley.

Munaasibadan qaddo sharafka  oo manta ka dhacday hotel maansoor ee magaalada Hargeisa oo ay ka soo qayb galeen  masuuliyiinta xilalka cusub loo magacaabay iyo masuuliyiin  kale oo qaranka xilalka ka haya.

REER GABILEY 33 MASUULIYIINTA REER GABILEY 22

Madal kulmisay guud ahaan Masuuliyiinta xukuumada dhexe kaga jira gobolka gabilay  iyo masuuliyiinta heer gobol ilaa heer degmo aqoonyahanka gobolka iyo xubno qurba jooga sidoo kale kulan oo qado sharaf ahaan ayaa waxa ku weheliyay xubno kale oo muhiim kuwaasi dhamaan iyagu xilal ka haya xukuumada hadaba kulan oo uu soo agaasimay wasiirka warashadaha mudane shucayb madaxmed muse ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka cusub ee ganacsiga eng xuseen adan cige dayr, wasiirka beeraha maxamed aw daahir wasirku xigeenka wasaarada ciyaaraha wasiirkuxigeenka wasaarada warfaafinta shugri xariir, Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaarada madaxtooyada Khadar Xaaji Gaydh, Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Abdi badhasaabka cusub ee gobolka gabiley .badhasaab kuxigeenka gabiley cali Case Gudoomiyayaasha Degmooyin Togwajaale,Agabar Geed balaadh, Alaybaday. iyo Arabsiyo . Agaasimaha samafalka madaxtooyada, iyo xubno kale oo muhiima

Kulan ayaa waxay ujeedadiisu hayd sidii ay isku baran lahaayeen xubna cusub ee lamagaaabay iyo masuuliyinta kale ee gobola

Sidoo kale kulan ayaa lagaga hadlay sidii layskaga kaashan lahaa xaalada ba,an ee abaaraha iyo u diyaar garowga diwaan galinta codbixiyayaasha iyo arimo kale oo muhiim ah.

COMMENTS
LINKS