|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Ujeedada Kulan Balaadhan Oo Ay Maanta Iskugu Yimaadeen Masuuliyiinta Heer Qaran Ilaa Heer Gobol Ee Gobolka Gabiley iyo xubno kale oo muhiim ah
February 18, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Kulan oo uu Soo Agaasimay Wasiirka Warshadaha Madane Shucayb Maxamed Muuse Si ay isku bartaan Masuulyiinta ka soo jeeda Gobolka Gabiley Iyo Masuuliyiinta Kale Ee Xilalka ku cusub Dhawaan loo magacaabay Sidoo kalena lagu soo dhawaynayay badhasaabka cusub ayaa ahayd mid kulmisay haldoorka gobolka gabiley. Munaasibadan qaddo sharafka oo manta ka dhacday hotel maansoor ee magaalada Hargeisa oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta xilalka cusub loo magacaabay iyo masuuliyiin kale oo qaranka xilalka ka haya. Madal kulmisay guud ahaan Masuuliyiinta xukuumada dhexe kaga jira gobolka gabilay iyo masuuliyiinta heer gobol ilaa heer degmo aqoonyahanka gobolka iyo xubno qurba jooga sidoo kale kulan oo qado sharaf ahaan ayaa waxa ku weheliyay xubno kale oo muhiim kuwaasi dhamaan iyagu xilal ka haya xukuumada hadaba kulan oo uu soo agaasimay wasiirka warashadaha mudane shucayb madaxmed muse ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka cusub ee ganacsiga eng xuseen adan cige dayr, wasiirka beeraha maxamed aw daahir wasirku xigeenka wasaarada ciyaaraha wasiirkuxigeenka wasaarada warfaafinta shugri xariir, Afhayeenka Madaxtooyada, Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaarada madaxtooyada Khadar Xaaji Gaydh, Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Abdi badhasaabka cusub ee gobolka gabiley .badhasaab kuxigeenka gabiley cali Case Gudoomiyayaasha Degmooyin Togwajaale,Agabar Geed balaadh, Alaybaday. iyo Arabsiyo . Agaasimaha samafalka madaxtooyada, iyo xubno kale oo muhiima Kulan ayaa waxay ujeedadiisu hayd sidii ay isku baran lahaayeen xubna cusub ee lamagaaabay iyo masuuliyinta kale ee gobola Sidoo kale kulan ayaa lagaga hadlay sidii layskaga kaashan lahaa xaalada ba,an ee abaaraha iyo u diyaar garowga diwaan galinta codbixiyayaasha iyo arimo kale oo muhiim ah. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|