DAAWO; Siyaasi Xamarji Oo Bedka Soo Dhigay Shaqsiyada Dhabta ah Ee Muuse Biixi iyo Saylici “Labadda Musharax Ee Kulmiye Midinna Waa 70 Jir Leh Cadhada 17 Jirka Midna Waa 60 Jir Kurbada 16 Jirka Leh” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Siyaasi Xamarji Oo Bedka Soo Dhigay Shaqsiyada Dhabta ah Ee Muuse Biixi iyo Saylici “Labadda Musharax Ee Kulmiye Midinna Waa 70 Jir Leh Cadhada 17 Jirka Midna Waa 60 Jir Kurbada 16 Jirka Leh”
February 22, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Siyaasi  Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu maro waddadii Daahir Rayaale dalka ku gaadhsiiyay doorasho xor iyo xalaal ah oo uu ku kala saaray xisbiga Udub iyo Kulmiye oo uu noqdo geesi lagu daydo sidii Daahir Rayaale.

“Maanta dadka way ku adag tahay waxa tartamaya Siilaanyo iyo Daahir Rayaale, waxaan qabaa inay tartamayaan waxay ku tartamayaanna waxay tahay, Daahir Rayaale meeqaam sarre ayuu Somaliland soo gaadhsiiyay, sidii wanaagsanayd ee uu xilka u wareejiyay waa derajo aan maanta ka dhicin geeska afrika guud ahaanteed.”Ayuu yidhi Xamarje waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxa aad iyo aad naxdin u ahayd habeen habeenadda ka mid ah oo saraakiishkii xisbiga Udub intay soo istaageen yidhaahdeen doorashaddii waxba la xumeeyay. Runtii Daahir Rayaale oo ay ka muuqatay lexjeclo oo aan runtii u soo diyaargaroobin Tv-yadda, ayaa iyadoo habeen dadku aad u werwerayo soo fadhiistay waxaanu ku khudbadeeyay doorashadii inay xor iyo xalaal u dhacday waa guul qaran, waa waxaan Somaliland iyo geeska afrika horre uga dhicin.”ayuu yidhi Xamarje

Sidoo kale, Xamarje wuxuu sheegay in madaxweyne Siilaanyo tartan uu ka dhexeeyo Daahir Rayaale oo bannaanka ku sugaya isla markaana uu udiyaar garoobo waxaana uu yidhi

“Madaxweynaha maanta taladda haya ninka uu la tartamaya ee bannaanka ku sugaya waa Daahir Rayaale Kaahin ama gees baad noqon Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sidii Daahir baad ragga u kala saari, Cabdiraxmaan ilaahaybaa doortay inagu maynu dooran, waxaan midhaa u leeyahay waan aqaanna labadda murashaxo midinna waa 70 jir leh cadhadda 17 jirka, midina waa 60 jir kurbad 16 jirka leh, midinna caadifad buu leeyay, midna durbad farabadan buu leeyay, qaranku maanta uma baahna labadda midna. Qaranku wuxuu u baahan yahay nin deganaansho, dulqaad, isku wadis iyo suubasalaax inagu hoggaamiya ”ayuu yidhi Xamarje

COMMENTS
LINKS