Ceerigaabo: Xarunta W/Qorshaynta Qaranka Oo Dhawr Bilood Qafilan, Qawlaysato Lacag Urursanaysa Oo Ka Dillaacday+Qaylada Oo Miyi Iyo Magaalo Isgaadhey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ceerigaabo: Xarunta W/Qorshaynta Qaranka Oo Dhawr Bilood Qafilan, Qawlaysato Lacag Urursanaysa Oo Ka Dillaacday+Qaylada Oo Miyi Iyo Magaalo Isgaadhey.
February 11, 2016 - Written by Editor:

CEERI2CEERI 1
Ceerigaabo(W.N): Xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Ee Magaalada Ceerigaabo ayaa gebi ahaanba muddo saddex bilood kusiman qafilku saran yahay Sidoo kalena Laydhka iyo isgaadhsiinta Internet-ka ayaa iyagana shirkadihii lahaa ka gooyeen kaddib markii ay lacagtoodii ka waayeen.
Shaqaalaha Wasaaraddan Mas’uulka uga ah Xukuumadda ayaa iyaguna muddooyinkii ugu danbeeyeyba waxay wadeen lacago kala duwan oo ay bulshada miyi iyo magaaloba kaga qaadanayeen iyagoo ku sababaynaya mashaariic ama shaqooyin soo socda inay ka qayb gelinayaan, lacagahaas oo qiimayaal kala duwan leh sida Gaadiidleyda baabuurta yaryar ku shaqaysata oo loogu ballan qaaday shaqooyin soo socda in laga qayb gelinayo intooda bandanna laga qaatay lacag inta u dhexaysa $ 50 ilaa 100 doollar midkiiba. Halka ganacsatada meheradaha ama dadka kale ee caadiga ahna qaarkood loo sheegay mashruuc Berkedo imanaya in wax laga siin doono lagana qaaday qaarkood lacago dhan 20 doollar midkiiba.
Warar dheeraad ah oo arrintan kusaabsan ayaa iyaguna sheegaya Ardayda dugsiyada sare & Jaamacadaha oo iyagana loo sheegay shaqooyin soo socda in laga shaqaalaysiin doono ayaa sidaas oo kale laga qaatay lacag 20 doollar midkiiba.
Kuma eka gacan-mariskani gudaha magaalada Ceerigaabo balse sidan oo kale ayaa qaylada noocan oo kale ahi uga soo yeedhaysaa degaannada debedda iyo degmooyinka kale ee gobolka Sanaag gaar ahaan Degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo kamid ah meelaha qaylada ugu daran ee lacag urursigani kazoo yeedhayso.
Waxana xusid mudan maalintii shalayto in golaha degaanka Ceerigaabo ay gaadhey cabasho arrintaas kusaabsan oo ahayd lacag kudhowaad 1000 dollar oo xubnahan shaqaalaha wasaaraddaasi farsamooyinka noocaas oo kale ah kaga qaateen degaannada Sanaag-bari gaar ahaan Carmale iyo meelo kale kaddibna golaha degaanka Ceerigaabo kolkay u yeedheen mas’uuliyiinta wasaaraddaas ay qirteen lacagtaas, sidaas awgeedna lacagtaas kala-badhkeed halkii lagaga qaaday halka badhka kalena qoraal ay ku bixinayaan laga saxeexay.
Sikastaba ha ahaatee Wasaaraddii Qorshaynta Qaranka ee laga filayey horumar ay bulshadeeda gaadhsiiso ayaa u muuqata mid lumisay kalsoonidii bulshadeedu ku qabeen islamarkaasna u shaqaynaysa si aan ku habboonayn magaca ahaan iyo dhaqan ahaan toonna sidii looga bartay.
././././.com/Ceerigaabo

COMMENTS
LINKS