“Cali Waran Cadde Waxa Uu I Yidhi Inamo Yar Yar Oo UN-Ta Ka Shaqeeyaana Gawaadhi “BulletProof” Ah Ayay wataan Ana Xaajiyad Ayaan Wataa Ma Baxayaan Gawaadhidaasi Ay UN Leedahay ”Axmed Cali Ubaxle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Cali Waran Cadde Waxa Uu I Yidhi Inamo Yar Yar Oo UN-Ta Ka Shaqeeyaana Gawaadhi “BulletProof” Ah Ayay wataan Ana Xaajiyad Ayaan Wataa Ma Baxayaan Gawaadhidaasi Ay UN Leedahay ”Axmed Cali Ubaxle
February 25, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews)Feb . 25, 2016-Axmed Cali Ubaxle Oo Kamida ganacsatada Somaliland sido kalena ah masuul ka shaqeeya Hayada caalamiga ah ee UN Ayaa waxa uu sheegay inay gawaadhi ay ledahay hayadaasi ay ku xaniban yihiin dekeda berbera  uuna haysto wasiiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde, isagona Axmed Cali ka dhawaajiyay inuu gawaadhidaasi shurucdii ay kusoo baxayeen ay u dhamaystiran yihiin balse Wasiir Cali Waran Cadde uu sheegay inuu isagu haysto waxana uu yidhi.

“Cashuur ayaan bixinaa oo shaqaale ayaan cashuur siinaa, macalmacaash Ayaan bixinaa liisamo Ayaan leenahayo waan cashuuranaa sanadkiiba, sanad walbana dalka dakhli Ayaan soo galinaaa, wasiir xafiis iska fadhiya oo wax alaale waxa uu ogyahay aanay jirin ayaa waxa uu ku leeyahay hantida aad waddo hadii aan waxba layag siinayn ma baxayso. Waxa maalmahanba dakeda naga xaniban afar baabuur oo ay ledahay hayada UN-tu oo ah nooca “BulletProof” ah, hayadana xeer iyo shuruuc ayay dawlada Somaliland la gashay, hadii ay masuuliyiinta dawlada Somaliland yidhaahdaana UN ma aqoonsanina dee iyaguna Somaliland ma aqoonsanayaan oo waa mesha kaliya ee aynu rajada ka leenahay ee aynu doonayno inay dunida kale xidhiidh inoola sameeyaan, hayaduna halkaa dekeda berbera ayay wax kasoo dajisataa”Axmed Cali Ubaxle.

Sidoo kalena isagoo sii wata hadalkiisa Axmed Cali Ubaxle ayaa waxa uu intaa ku daray

“Afartan baabuur labana waxay u socdeen garoowe labana hargeysa waraaqahoodiina way cadyihiin oo waan haynaa, kastamyadii, wasaaradii maaliyada,masuuliyiinta dekeda berbera, ciidankii nabad sugida wadooyinka intuba gawaadhidaa way fasaxeen maxaa yeelay sharciyadoodii way u dhamaystirnaayeen, baabuurtaasi markay albaabka dekeda marayso wasiir Cali Waran Cadde ayaa telefon soo diray waxa uu yidhi baabuurtaasi igama baxi karto”Sidaas ayuu yidhi Axmed

Sidoo kalena Axmed Cali Ubaxle isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay inuu la hadlay wasiirka balse uu u sheegay inuu isagu haysto gawaadhidaasi waxaana uu yidhi

“Markaan anigu la hadlay oo afkayga aan kula hadlaynaya waxa uu igu yidhi Cali inamo yar oo UN ka shaqeeyaana gawaadhi “BulletProof”Ah ayay wataan ana xaajiyad Ayaan wataa alle Ayaan idinku dhaarshee makaas ayaa masuul dawladeed ah, waxaan leeyahay lama waayin masuul dhaama kaa in wasaarada arimaha gudaha loogu dhiibo umada Somaliland”

Gabagabadiina Axmed Cali Ubaxle waxa uu madaxwayne siilaanyo ugu baaqay inu wasiir Cali Waran Cadde uu xilka ka qaado isagoona ku tilmaamay wasiir aan ku haboonayn wasaarada arimaha gudaha Somaliland waxaana uu yidhi

“Madaxwayne Wasarada arimaha guduhu waa wasaarada amniga khusaysay, waa wasaaradi haysay dalka sumacadeeda iyo horumarkeeda, waxaan leeyahay madaxwayne markaad wasiirada noocaasa nooga dhigto masuul dee xaq Ayaan u leenahay inaan suuqa boodhadh qaadano  oo cabashadayada muujino”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Axmed Cali Ubaxle

 

 

COMMENTS
LINKS